DAAWO: Kasper Schmeichel Oo Garsooraha U Sheegay In Laysar Indhaha
Goolhayaha xulka qaranka Denmark ee Kasper Schmeichel ayaa shaaciyey inuu garsooraha u cawday oo uu u sheegay in laysar indhaha lagaga hayo ka hor intii aanu Harry Kane ku laadin rikoodhaha kulankii England ee semi-finalka Euro 2020.Kasper Schmeichel oo u ciyaara Leicester City ayaa badbaadiyey rikoodhihii uu Kane ku laaday ka hor intii kubadda oo uu soo tufay aan lagu celinin ee aan laga dhalin.Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ayaa shalay shaaciyey in ay ganaax ku ridayaan xulka Ingiriiska iyagoo ka duulaya laysarka indhaha…