“Uma Malaynayn In Chiesa Uu Sidaa U Wanaagsan Yahay…” – Buffon Oo La

Gianluigi Buffon ayaa qirtay in uu la yaabay wacdarihii uu Federico Chiesa ka dhigay tartanka qaramada Yurub, isla markaana aanu markii hore u haysanin in uu yahay ciyaartoy sidaas u wanaagsan.

Chiesa oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa ka mid ahaa xiddigihii Talyaaniga ee ku guuleystay Euro 2020, waxaanu bandhig fiican ka sameeyey kulamadii uu ciyaaray oo dhan, isagoo ciyaartii u dambaysay ee finalkii ee Wembley ahaa khatartii u weynayd ee ay Ingiriisku waajahayeen.

Gianluigi Buffon oo xagaagan ka tegay Juventus, kuna laabtay kooxdiisii hore ee Parma ayaa waxa uu sheegay in qiimayntiisa shaqsiga ah, aanu moodaynin in Chiesa uu yahay tayadiisu gaadhsiisan tahay illaa heerkaas, taas darteedna ay layaab ku noqotay.

Goolhaye Gianluigi Buffon oo waraysi siiyey wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa yidhi: “Markii uu yimid Juve, umaan malaynayn inuu yahay ciyaartoy sidaa u wanaagsan. Waa marka aan si daacad ah u hadlo. Tartankii Qaramada Yurub wuxuu ahaa ciyaartoy aan la malayn karin, kulankii ugu dambeeyey ee finalka Ee England-na, wuxuu noqday mid aanay suurtogal ahayn in la joojiyo.

“Kaddib xilli ciyaareed aanu Federico wada joognay Juve, layaab badan iguma aanu ridin, waxaase layaab igu noqotay sida heerka sarraysa ee uu u ciyaaray tartankan qaramada Yurub.

“Haddii aad samaysay waxyaabaha sidaa u sarreeya, dhab ahaantii waxa aad tahay mid cajiib ah.”

Chiesa ayaa waayihiisa ciyaareed ee heerka koowaad kasoo bilowdeen Fiorentina sannadkii 2016kii, waxaana 153 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 34 gool. Kaddib waxa uu soo jiitay indhaha kooxo badan, waxaana ugu dambayntii heshiiskiisa ku guuleysatay Juventus oo kusoo iibsatay €60  milyan oo Euro.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey Juventus oo ahaa 2020-21 oo aanay horyaalka ku guuleysanin, waxa uu ahaa laacib lama taabtaan ah oo saftay 33 kulan, isla markaana dhaliyey sagaal gool, sagaal kalena caawiye ka noqday, waxaana uu la calfaday oo uu kula guuleystay Coppa Italia iyo Suppercoppa Italiana.

Buffon ayaa ka hor intii aanu Federico Chiesa la ciyaarin, waxay garoomada waqti kusoo wada qaateen aabbaha dhalay laacibkan ee Chiesa oo isaguna ahaa xiddigihii Talyaaniga hoggaaminayay sannadihii 1990-meeyadii, ahaana halbowle Fiorentina ku faani jirtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More