Skip to content
Tuesday, August 25, 2026 11 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 18:05
Muqdisho 25°C
Breaking: Ghislaine Maxwell Loses Bid to Overturn Conviction for Aiding Jeffrey Epstein
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Rasmi: Carlo Ancelotti Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Real Madrid Ee

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Laacib

Carlo Ancelotti ayaa magacaabay liiska xiddigaha Real Madrid ee kulanka saaxiibtinimo ee caawa ay kula ballansan yihiin Rangers oo ay kula ciyaarayaan garoonka Ibrox Stadium ee magaalada Glasgow.

Real Madrid ayaa u duushay Scotland oo ay ciyaar saaxiibtinimo kula soo ciyaarayso kooxda difaacanaysa horyaalka Scottish Premier League ee Rangers oo ay marti ugu tahay qalcadda xamaasadda iyo xiisaha ay u yeelaan taageereyaashu ee Ibrox Stadium.

Tababare Ancelotti ayaan liiska ciyaartoygiisa kusoo darin Raphael Varane, David Alaba, Luka Modric iyo Gareth Bale oo dhamaantood kasoo laabtay kulamada caalamiga ah, waxaana beddelkooda uu soo qaatay laacibiinta da’yarta ah ee Victor Chust, Miguel Gutierrez, Sergio Arribas iyo Antonio Blanco.

Dhawr ciyaartoy ayay ishu haysaa kulankan, waxaana ugu horreeya Isco oo laga sugayo inuu bandhig fiican sameeyo, si uu ugu muujiyo Ancelotti in uu u qalmo inuu u ciyaaro kooxdan. Waxa kale oo ku jira Mar

Liiska xiddigaha Real Madrid ee kulanka Rangers:

Goolka Andriy Lunin, Luis Lopez, Toni Fuidias.

Difaaca: Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Victor Chust, Mario Gila, Miguel Gutierrez.

Weerarka: Lucas Vazquez, Luka Jovic, Rodrygo Goes.