TOP 7: Toddobada Tababare Ee Ugu Mushaharka Badan Horyaalka Premier

Kaddib markii uu heshiiska cusub saxeexay, Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday tababaraha saddexaad ee ugu mushaharka badan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu kaliya hiigsanayaa laba ka sarreeya oo ah kuwo shaqadooda iyo guulihii ay kooxahooda gaadhsiiyeen ku kasbaday in ay noqdaan koowaad iyo labaad.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa  toddobaadkii qaadan doona lacag gaadhaysa £200,000 oo sannadkii u dhigmaysa £10 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in uu sare u kacay mushaharkiisii hore.

Tababaraha reer Norway ayaa qandaraaskiisii hore uu ahaa in sannadkii uu qaato mushahar gaadhaya £7.5 milyan oo Gini, waxaana ugu korodhay £2.5 milyan oo Gini.

Brendan Rodgers oo Leicester City ah ayay isku mid noqdeen Solskjaer oo ay min toban milyan oo Gini qaataan, waxaase ku xiga macallinka kooxda sannadkii hore kasoo dallacday heerka labaad ee Leeds United ee Marcelo Bielsa.

Tababaraha reer Argentina ayaa noqday qofka shanaad ee ugu mushaharka badan tababareyaasha Premier League, waxaana uu u xaadiraa £8 milyan oo Gini.

Lixaad ayay ku wada jiraan labada tababare ee Rafael Benitez oo bishii hore loo magacaabay tababaraha Everton iyo Thomas Tuchel oo Chelsea layliya.

Halkan kaga bogo mushaharka tababareyaasha Premier League:

=6. Thomas Tuchel – £7 milyan – sannadkii

=6. Rafael Benitez – £7 milyan – sannadkii

5. Marcelo Bielsa – £8 milyan – sannadkii

=3. Brendan Rodgers – £10 milyan – sannadkii

=3. Ole Gunnar Solskjaer – £10 milyan – sannadkii

2. Jurgen Klopp – £15 milyan – sannadkii

1. Pep Guardiola – £20 milyan – sannadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More