Guddiga doorashada heer federal oo war kasoo saaray doorasha…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha Gudiga doorashada heer federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland, taasi oo lagu doortay Afar kamid ah Senator-da maamulkaas ee Aqalka Sare.

Guddoomiye Maxamed Cirro oo la hadlay VOA-da ayaa bogaadiyey hanaankii ay u dhacday doorashadaas, isagoona ku tilmaamay “doorasho cajiib ah oo waqti kooban ku qabsoomtay”.

“Meesha dadaal badan ayaa ka muuqday, guddoonka iyo xubnaha baarlamaanka ee doorashada qabanayay aad bey isku abaabuleen, markaa tartanku wuu wanaagsanaa, waxaana cajiib aheyd ugu yaraan in waqti intaa le’eg ay howsha ku qabsoomto farsamo ahaan, sida amaanka loo sugay iyo sida howshu u agaasineed wax qiimo badan ayey aheyd,” ayuu yiri Guddoomiye Ciro

“Doorashada Kismaayo waxay ibo-fur u aheyd doorashada wadanka oo ognahay xaalkeeda sida uu ahaa iyo halka uu taagna. Waa guul dadka Soomaaliyeed ay hore ugu tallaabsadeen dowlad-nimadooda, waana hadimo aan ka bad-baadnay ayey jawaab u tahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada ka dhacday Kismaayo ay tahay billowga doorashooyinka Aqalka Sare, isagoona faray in dowlad goboleedyada kale ay deg deg u qabtaan doorashada.

“Doorashadii wey noo dhacday weyna dhameystirmatay, waa waajib hadda saaran (dowlad goboleedyada) in deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha Aqalka Sare, waana waajib anagana na saaran.”

Guddoomiye Ciro ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dhawaan magaalooyin kale ka billaabmi doonto doorashada Aqalka Sare, isagoona meesha ka saaray walaaca laga qabo dib u dhac ballaaran oo ku yimaada doorashada kuraasta kale ee Aqalka Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More