Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Aqriso #6 Qodob oo ay soo jeediyeen Guddiga loo xil saaray Garbahaarey

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaas, oo ay ku qoran yihiin talo so—jeedino la xiriira xalka gobolka. Guddiga xal u raadinta doorashada Gobolka Gedo, kadib u kuurgalis xaaladda Gobolka, gaar ahaan Magaalada Garbahaarey iyo wadatashiyo balaaran oo ay la sameeyeen qaybaha bulshada, masuuliyiin iyo siyaasiyiinba, waxayna ku talo bixinayaan qodobada soo socda in si dhaqso ah loo…

Maxay tahay xiisadda kursiga xildhibaan ee ay Xasan iyo Shar…

Cadale (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta iyo Bulshada degmada. Sida aan xogta ku helnay, safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ee degmada Cadale ayaa hordhac u ah safar ay maanta halkaas ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.  Sababta ay Madaxweynayaashii hore u…

Daawo: Imaamka Mudulood oo war kasoo saaray khilaafka ka taagan

Muqdisho (Axadle) – Iimaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay khilaaf xoog leh oo ka taagan mid ka mid ah kuraasta beesha ee golaha shacabka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP141. Kursigaas waxaa hada ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal. Imaamka ayaa sheegay in hadallada ay warbaahinta isku marinayaan xubno u dhashay beesha oo Jawaahir Baarqab uu ka carabaabay uu aad u dhibsaday aysana habooneyn, isla markaana…

Xog: Isbaheysiga mucaaradka SOMALILAND oo wajahaya culeys ho…

Hargeysa (Axadle) – Isbaheysiga Xisbiyada mucaaridka Gobaladda Waqooyi ee horaanta bishii hore lagu dhawaaqay ayaa xiligan wajahaya culeys hor leh, oo fashilin kara qorshihii uu mucaaridka ka lahaa isbaheysigaas, sida ay ogaatay Axadle. Xubno sarre oo ka tirsan xisbiyada Waddani iyo Ucid oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in Isbaheysiga mucaaridka uu wajahayo culeys hor leh, midaasi oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Gobaladda Waqooyi, Muuse Biixi.…

two French people arrested for endangering the security of

Two Frenchmen were arrested on Tuesday evening, July 20. According to the Advocate General of the Court of Appeal, who spoke on Wednesday, July 21, the two men were accused of endangering state security. They were still in custody on Wednesday night with their wives. as reported from Antananarivo, Laure VerneauAccording to the…

R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowaan lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo loo diiday inay u dhoofaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Rooble ayaa cod adag ku sheegay in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan. “Muwaadinka Soomaaliyeed ee…

R/W Rooble oo ka hadlay xal laga gaaray xiisadda Gedo oo loo…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga wasiirrada ah ee uu u xilsaaray dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa ka gudoomay warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta gobolka Gedo. Ra’isul Wasaaraha kulankaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka, isu-socodka siyaasiyiinta…

Rajada doorasho ee Saciid Deni Intee le’eg tahay?

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ku jira olole doorasho oo aan shaacsaneyn, oo uu ku doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya. Deni ayaa inkasta oo uusan weli si rasmi ah u shaacin damaciisa, haddana wuxuu qaadayaa tallaabooyin si cad u muujinaya inuu doonayo inuu la wareego kursiga uu hadda ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sababta Deni uusan weli ugu dhowaaqin musharaxnimadiisa madaxweyne, ayaa ah inay su’aal gelin karto dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada…

Diyaarad ay leeyihiin militariga Itoobiya oo shil ku gashay …

Xudur (Axadle) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay halkaas maanta ku dhacday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Militariga Itoobiya. Sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, diyaaradda Militariga Itoobiya oo nooceedu yahay  kuwa sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaan “Helicopter” ayaa kusoo dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur.…

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qadar?

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa yeeshay wada-hadal dhanka Taleefoonka ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee SONNA. Farmaajo ayaa amiirka dalka Qatar ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa sidoo kale is-weydaarsiga hambalyada kaddib u rajeeyay labada dal iyo dhammaan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More