Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Xiddiggii Ugu Qaalisanaa Chelsea Xagaagii Oo Korona Fayras
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Kai Haverts ayaa laga helay xanuunka Korona Fayras ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii Blues iyo Rennes.
Tababare Frank Lamaprd ayaa warbaahinta u sheegay in sababta uu Havertz ugu soo dari waayey ciyaartoydiisa ay tahay inuu ku dhacay Korona Fayras oo ay ka dhex saareen xiddigaha kale ee Chelsea, isla markaana uu gelayo karantiil.
Kubbad-sameeyaha reer Germany oo ah laacibka labaad ee ugu qaalisan Chelsea isla markaana ay £70 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Bayern…
Manchester United Oo Guul-darro Kale Loogu Soo Dhiibay
Manchester United ayaa guul-darro kale oo xanuun badan la kulantay, waxaana 2-1 ku garaacday kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir.Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Istanbul, gaar ahaan garoonka loogu magac-daray tababaraha xulka qaranka ee Fatih Terim ayaa waxa Manchester United lagu ciqaabay laba gool oo qaybta hore laga dhaliyey oo lagaga faa’iidaystay dhoohanaanta difaacooda, halka goolka madiga ahna ay la yimaaddeen intii aanay u bixin waqtiga nasashada.Daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta ayuu weeraryahanka Muslimka ah ee…
Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Chelsea vs Rennes, Barcelona
Frank Lampard ayaa shax adag kusoo bilaabay ciyaarta ay kooxdiisa Chelsea garoonka Stamford Bridge ku martigelinayso Rennes, waxaana uu la shir yimid xiddigihii guusha u keenay kulankii ugu dambeeyey ee ay 3-0 ku garaaceen naadiga Burnley.Kai Havertz oo ahaa xiddigii guusha u horseeday kulanka Burnley ee khadka dhexe sida adag uga shaqeeyey ayaa gebi ahaanba aan lagu soo darin ciyaartoyda Chelsea ee kulankan waxaanu ka daawanayaa gurigiisa, waxaana booskiisa taagan Jorginho oo beddelay.N’Golo Kante ayaa mar kale…
UEFA Oo Ku Ciqaabtay Difaaca Chelsea Ee Reece James Falkii
Difaaca Chelsea iyo xulka qaranka England ee Reece James ayaa lagu soo rogay ganaax laba ciyaarood ah oo uu garoomada kaga maqnaan doono kaddib kaadhkii casaa ee uu ku qaatay garoonka Wembley.UEFA ayaa ku xukuntay James aflagaaddo uu u geystay tababaraha reer Spain ee Jesus Gil Manzano bishii hore markii ay dhamaatay ciyaar dhex martay England iyo Denmark ooka tirsanayd tartanka UEFA Nations League.Reece James ayaa naftiisa xakamayn kari waayey dhamaadkii ciyaartan, waxaana uu u tegay garsoore Jesus Gil Manzano oo uu ku…
Barcelona Oo CAAWA Laga Doonayo Inay £171 MILYAN Oo Gini Ka
Barcelona waxay tartan kula jirtaa waqtiga, mana haysato fursado ay sii kala doorato, dhawr saacadood oo kaliya ayaa u hadhsan, haddii ay xal keeni weydana waxay ku dhawaaqi doontaa inay gebi ahaanba musalaftay.Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maalinta ugu dambaysa (Deadline day) ee mushahar dhimista ay ku samyanayso ciyaartoydeedu ay tahay November 5, iyadoo isla maalintan oo ku beegan berri laga doonayo inay shaaciso miisaaniyaddeeda sannadkan oo laga doonayo inay ka muuqato in kharash dhimis ballaadhan uu ka…
TOBAN Ciyaartoy Oo PSG Oo Laga Soo Badbaadiyey Wiish Dab Ka
Toban ciyaartoy oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayuu la istaagay wiish ay saarnaayeen ka hor ciyaarta ay caawa la leeyihiin kooxda reer Germany ee RB Leipzig, waxaana si degdeg ah loogu wacay oo kasoo daad-gureeyey dab-demis halkaas ugu tegay.Ciyaaryahanadda PSG oo deggan hotelka lagu magacaabo GrandHotel Handelshof ee magaalada Leipzig ee Jarmalka ayaa xalay 9kii fiidnimo waxay halis ku galeen wiishkii ay saarnaayeen ee hotelkan, kaddib markii uu dab ka kacay isla wiishkaas.Sida ay ku warrantay…
Waa 17 Sano Jir Ay Barcelona Saxeexiisa Ku Garaacday Man
Kaliya dhawr bilood ayuu kasoo tirsanaa safkeeda balse waxa cad in Barcelona ay mustaqbalkeeda fog ka dhex aragto da’yarka Pedri oo hadda banaanka la keenay lacagta aadka u badan ee heshiiskiisa Camp Nou ku xidhan.17 sano jirkaas ayaa suuqii dhawaa lacag 4.5 Milyan Pound ah Barcelona ugaga yimid dhinaca Las Palmas balse heshiiska ayaa gaadhi kara 19.9 Milyan Pound haddiiba shuruudo ku xidhan uu buuxiyo.Sida uu sheegayo il-wareedka caanka ah ee Goal, Barcelona ayaa saxeexa Pedri kaga guuleysatay labada kooxood ee waaweyn ee…
Ma Keenayo – Xiddiga Uu Diiday Inuu Roman Abramovich Chelsea
Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday inuu suuqyada soo socda Stamford Bridge keeno weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala kaas oo lala xidhiidhinayay kooxdiisa maalmihii ugu dambeeyay.Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Talyaanigu, Abramovich ayaan doonayn inuu Dybala lasoo saxeexdo isaga oo aaminsan inay booskiisa kaga filan yihiin Kai Havertz iyo Hakim Ziyech oo uu suuqii dhawaa lasoo saxeexday.Chelsea ayaa xagaagii suuqa ku bixisay lacag ka badan 250 Milyan oo Pound…
Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ka Tirsan Ee Ay Rajada Weyn Ka
Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas oo uu qaab amaah ah kaga baxo suuqa dhawaan furmi doona ee bisha January.William ayaa doonaya inuu heshiis amaah ah ugu laabto kooxdiisii hore ee St Etienne xilli ay sii socdaa dhibaatooyinka uu ku marayo Arsenal, 19 sano jirkaas ayay xagaagii 2019 lasoo saxeexatay Arsenal balse waxa hal xilli ciyaareed dib amaah loogu siiyay kooxda ree France.Si kastaba, Mikel Arteta ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in…
Manchester United Oo La Saadaaliyey Kaalinta Niyad-jabka Leh
Paul Ince ayaa saadaaliyey in Manchester United ay soo geli doonto kaalinta lixaad ee kala-sarraynta horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, kaddib natiijooyinkii ay ka keentay lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey.Red Devils oo Axaddii guul-darro 1-0 ah ay Arsenal ugu xambaarisay garoonkeeda Old Trafford ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 15aad ee horyaalka.Lixda ciyaarood ee illaa hadda ayey ka heshay toddoba dhibcood oo kaliya, waxaana hadda shaqadiisu halis ku jirtaa Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdu ka fiirsanayso…