Arsenal vs. Sheffield United – Gunners Oo Raadinaysa Inay

Arsenal ayaa u dagaallami doonta inay jidka guusha kusoo laabato kaddib markii ay Liverpool toddobaadkii hore kaga adkaatay kulan ay jilbaha isku dhigteen garoonka Anfield, taas oo Mikel Arteta ka joojisay inay sii wataan labadii guulood ee ay ku bilaabeen horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Sheffield United oo laga soo badiyey saddexdii ciyaarood ee horeba ayaa waxay dhinaceeda halgan u gelaysaa inay hesho guushii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan, si ay uga baxdo xaaladda madax-xanuunka ah ee durba shakiga gelinaysa haddii ay xili ciyaareedka dambe qayb kasii ahaan doonaan Premier League.

Kooxda woqooyiga London ka dhisan ee Arsenal ayaa waxay qalbi-jabkii ay Liverpool u geysatay kaga falcelisay guul rikoodheyaal ah oo isla Liverpool ay ku garaacday rikoodheyaal, kana reebtay tartanka Carabao Cup oo wareegga 8da loo gudbayay, hase yeeshee waxa Mikel Arteta ku weyn inuu dhinaca horyaalkana dariiqa guusha qabsado oo uu jamaahiirta illowsiiyo in 3-1 ay kooxda tababare Jurgen Klopp kaga adkaatay.

Gunners waxay hore usoo garaacday Fulham iyo West Ham, sidoo kalena waxay tartanka Carabao Cup kusoo karbaasheen Leicester City iyo Liverpool oo ay labadoodaba ka reebeen tartanka, taas oo ah tusaale muujinaya in kooxdani kusoo laabanayso heerkeedii hore.

Guul ay ka helaan kulanka maanta, waxa uu Arsenal u yahay lama huraan, sababtoo ah, waxa ciyaarta dambe ay ballansan yihiin Manchester City oo iyaguna labadii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka aan wax guul ah arag, isla markaana dagaal adag diyaar ugu noqon doonta Etihad oo ay ku wada ciyaari doonaan marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah.

Iyaga oo aan ka nasanin kulanka Man City, waxa Arsenal ay haddana waajihi doontaa Leicester City iyo Manchester United oo ugu sii xigi doona ka  hor inta aanay ku nefisin Aston Villa iyo Leeds United, waxaanay arrintani uga dhigan tahay Mikel Arteta jadwal cidhiidhi ah oo kooxihii waaweynaa la iskugu xigsiiyey, taas  oo uga dhigan inay yihiin kulamadii go’aamin lahaa sida uu xili ciyaareedka Gunners noqonayo.

Dhinaca kale, tababare Chris Wilder ayaa la wareersan waxa kooxdiisa ku dhacay ee guulihii ka hor istaagay kaddib saddexdii ciyaarood ee ugu horreeyey oo laga badiyey, kaddib markii ay Wolves, Aston Villa iyo Leeds United soo garaaceen saddexdaas ciyaarood.

Guul ay Sheffield United ka gaadho Arsenal waxay uga dhigantay dab-demis ay xilli ciyaareedkooda ku samaynayaan, waxaanay jamaahiirtu ka sugayaan inay saddexda dhibcood ka keeneen Emirates si ay iskaga maydhaan taariikhda xun ee saddexda guul-darro ee xidhiidhka ah oo ay ugu dambaysay in sidan oo kale ku dhacdo sannadkii 1960kii.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Arsenal vs Sheffield United

Tartanka: Premier League, kulamada saddexaad

Waqtiga: 4pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Emirates Stadium

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Pierre-Emerick Aubameyang oo soo nastay kulankii EFL Cup ee Anfield ay rikoodheyaasha kaga soo adkaadeen Liverpool ayaa hoggaamin doona weerarka, sidoo kalena Alexandre Lacazette oo beddel kusoo galay ayaa aksoo garab muuqan doona, waxaase aan joogin Cedric Soares oo dhaawac ah iyo Sokratis Papastathopoulos oo u dhow inuu taam noqdo laakiin ciyaartani degdeg ku tahay.

Difaacyahannada reer Brazil ee David Luiz iyo Gabriel Magalhaes ayaa la filayaa  inay kusoo wada bilaaban doonaan, maadaama uu dhaawac yahay Pablo Mari, sidoo kalena Emile Smith Rowe uu soo laaban doono dhamaadka bishan, laakiin Shkodran Mustafi, Calum Chambers iyo Gabriel Martinelli ayaan wali la ogeyn waqti go’an oo ay soo noqon doonaan.

Dhinaca Sheffield United, waxa qalliin jilibka ah lagu sameeyey Jack O’Connell oo seegi doona inta ka hadhay xili ciyaareedkan, waxaase Chris Wilder ka farxiyey inuu soo laabtay John Egan oo ganaax ku maqnaa.

Saxeexa cusub ee Rhian Brewster oo ay Liverpool kala soo wareegeen Jimcihii ayaa rajaynaya inuu dhaliyo goolka ugu horreeya ee Sheffield United ee xili ciyaareedkan maadaama aanay kooxdu hore usoo dhalin wax gool ah.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Arsenal: Leno; Holding, Gabriel, Tierney; Bellerin, Xhaka, Elneny, Maitland-Niles; Willian, Lacazette, Aubameyang

Sheffield United: Ramsdale; Basham, Egan, Ampadu; Baldock, Lundstram, Berge, Fleck, Stevens; McGoldrick, McBurnie

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More