Leeds United Oo Barbarro Ku Qabatay Man City, Guardiola Oo

Kooxda kubadda cagta Leeds United ayaa barbarro ku qabatay Manchester City oo ay ku martigelisay garoonkeeda Elland Road, kulan ay labada kooxoodba fursado badan iska lumiyeen.

Man City oo ciyaartii hore 5-2 lagaga soo adkaaday ayaa u dagaallamaysay inay kasoo kabato guul-darra Leicester u xambaarisay usbuucii hore, waxaanay u timid Leeds United oo garoonkeeda joogtay, isla markaana labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey soo guuleysatay.

Raheem Sterling ayaa ciyaarta ku furay gool qurux badan oo uu difaaca Leeds waabiyey ka hor intii aanu tooganin dhinaca bidix ee goolka oo kubbad dhulka socota uu ku hubsaday, waxaanay ciyaartu ahayd 1-0 illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 59aad, markaas oo Rodrigo oo beddel kusoo galay uu Leeds United u dhaliyey goolka guusha.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; Kevin De Bruyne (c), Rodri, Phil Foden; Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Ferran Torres.

Kaydka: Bernardo Silva, Nathan Ake, Zack Steffen, Fernandinho, Liam Delap, Cole Palmer, John Stones.

LEEDS UNITED (3-1-4-2): Illan Meslier; Luke Ayling, Robin Koch, Liam Cooper (c); Kalvin Phillips; Helder Costa, Mateusz Klich, Stuart Dallas, Ezgjan Alioski; Patrick Bamford, Tyler Roberts.

Kaydka: Ian Poveda-Ocampo, Leif Davis, Jamie Shackleton, Rodrigo Moreno, Elia Caprile, Pascal Struijk, Diego Llorente.

Leeds United oo labadeedii kulan ee hore soo guuleysatay, isla markaana bandhig cajiib ah ka samaynaysa Premier League ayaa garoonkeeda Elland Road ku qaabbishay Man City oo la murugaysan guul-darradii 5-2 ahayd ee ay Leicester ugu xambaarisay Etihad Stadium usbuucii hore.

Tababare Biels ayaa hal isbeddel oo kaliya ku sameeyey safka kooxdiisii uu guusha ku gaadhay kulankii ugu dambeeyey, waxaana kaliya ka baxay Harrison oo Man City amaah ay kaga soo qaateen oo sharcigu u diidayay inuu ka hor tago naadigiisa rasmiga ah, waxaana lagu beddelay Alioski. Laakiin Pep Guardiola ayaa dhinaciisa ka sameeyey saddex beddel safkii uu kula ciyaaray Leicester ee guul-darrada xanuunka badan kasoo gaadhay, waxaanu keenay Laporte, Dias iyo Torres.

Manchester City ayaa dardar ku bilaabatay ciyaarta, waxaana daqiiqaddii afraad ay ku dhowaatay inay u dabbaal-degto goolkeeda koowaad ee ciyaarta kaddib markii uu Kevin de Bruyne kubbad laag xor ahayd birta ka jaray.

15kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayay City iska maamulanaysay garoonka, waxaanay samaysay fursado ay xataa goolal ku dhalin karayeen, iyadoo khatarta ugu badanna ay samaynayeen Raheem Sterling, De Bruyne, Foden iyo Mahrez.

GOOOOOAAAAALLLL!!!! Leeds 0-1 Man City – Raheem Sterling ayaa kubbad qurux badan ku hubsaday shabaqa Leeds isaga oo ka faa’iidaystay qalad ay sameeyeen difaaca oo kubadda u dhiibay Torres oo isaguna isku sii dhaafiyey Sterling oo garabka bidix joogay.

Sterling ayaa goolkan ku caddeeyey inuu yahay libaax aan la qaban karayn oo shabaqa saaxiib la ah, waxaana 12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu dhaliyey 11 gool oo horyaalka Premier League ah.

De Bruyne ayaa inyar kaddib isku day sameeyey, waxaase u babbac-dhigay Klich oo ka hor istaagay, iyadoo rikoodhihii ay heleenna uu Laporte birta dul mariyey.

Intii ka dambaysay goolka Manchester City ay dhalisay, waxa hurdada ka toostay Leeds United oo si buuxda ciyaarta ula wareegtay, waxaanay kubbado rogaal-celis, goysmo ay ka samaynayeen khadka dhexe iyo orodba ku kala daadiyeen City.

Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ayuu goolhaye Ederson la baxsaday kooxdiisa markii uu kubbad ka qabtay Ayling oo xerada ganaaxa lasoo dhex-galay kubbad uu kaga soo takhalusay Mendy oo dhulka ku dhacay. Lugta bidix ayuu u adeegsaday inuu dhinaca midig ee Ederson toogto, laakiin goolhayaha reer Brazil ayaa isku tuuray oo ka badbaadiyey.

Markii lagu soo noqday qaybta dambe ayuu tababare Bielsa laba beddel oo degdeg ah soo raaciyey, waxaanay taasi keentay inay dardar badan ka sameeyaan afka hore.

GOOOOAAAALLLL!! Leeds 1-1 Man City – Rodrigo oo beddel kusoo galay ayaa Leeds United u dhaliyey goolka barbarraha kaddib markii uu xerada ganaaxa ka dhex-helay kubbad ka dhacday goolhaye Ederson oo boobay koorne lasoo laaday.

Leeds United ayaa dardarta sii wadday, waxaanay goolka City gaadheen dhawr mar oo kale inkasta oo ay iska khasaariyeen fursadahaas, waxaase iyaduna goolal heli karaysay Man City oo fursado qaali ah ay soo mareen.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, taas oo ka dhigan in Man City ay leedahay 4 dhibcood oo ay ka urursatay saddexdii ciyaarood ee ay dheeshay, halka Leeds United oo afar kulan ciyaartay ay toddoba dhibcood haysato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More