Xiddig Ay Chelsea £40 Milyan Oo Gini Kasoo Bixisay Oo U

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa amaah ku dirtay laacibkeeda khadka dhexe ee Tiermoue Bakayoko sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah, kaddib markii uu soo dhamaaday waqti uu amaah ugu maqnaa Monaco iyo AC Milan oo uga sii horreysay.

Chelsea iyo Napoli ayaa heshiis ka gaadhay Bakayoko, waxaanu xili ciyaareedkan socda ee 2020-21 uu ka hoos ciyaari doonaa tababare Gennaro Guttuso, halkaas oo uu uga dagaallami doono inuu bandhig fiican oo qanciya kooxdiisa Chelsea ka sameeyo.

Bakayoko ayaa AC Milan u saftay 42 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah xili ciyaareedkii uu u ciyaaray, waxaana uu u dhaafay Faransiiska oo uu ka dheelayay illaa laga gaadhayay bishii March oo horyaalka dalkaas loo kansalay Korona Fayras.

26 jirkan khadka dhexe ee reer France ayaan ciyaari doonin kulanka Napoli ay kula ballansan tahay Juventus Axadda maadaama uu waqtigu degdeg ku yahay.

Axadda ayaa la filayaa inuu gaadho Naples oo uu tijaabada caafimaadka ku maro ka hor inta aan si rasmi ah loogu soo bandhigin jamaahiirta kooxda.

Sannadkii 2017kii ayay Chelsea £40 milyan oo Gini kasoo bixisay Bakayoko oo ay kala soo wareegtay Monaco, laakiin qaab ciyaareedka Premier League ayaa ku adkaaday inuu la jaan-qaado, waxaana muddadii koobnayd ee uu joogay Stamford Bridge uu gacanta ugu jiray tababare Antonio Conte oo isaguna aan siinin fursado, halka Maurizio Sarri uu ahaa qofkii go’aamiyey in laga diro.

12 bilood oo kaliya oo uu joogay London, waxa uu amaah ku tegay Milan ka  hor intii aan xili ciyaareedkii hore ee 2019-20 loo ogolaan inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Monaco oo uu qaab amaah ah ugu ciyaarayay.

Heshiiska amaahda ah ee uu Bakayoko ku tegay Napoli ayaanay labada kooxood midkoodna soo dhigin in lagu daro qodob dhigaya in iib rasmi ah iman karayo haddii kooxda Talyaanigu ka hesho qaab ciyaareedkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More