Xiddigii Garoonka, Laacibiintii Faddexaadoobay Iyo Qiimaynta

Marcelo Bielsa iyo Pep Guardiola ayaa markii ugu horreysay iskaga hor yimid horyaalka Premier League iyadoo labadooduba ahaayeen ardaydii uu soo tababobaray John Cruyff, waxaana ciyaar muddo laga sii sheekeeyey ay jilbaha isku dareen Elland Road iyagoo kala hoggaaminaya Leeds United iyo Man City.

Manchester City ayaa firfircooni ku bilaabatay ciyaarta, waxaana gool u dhaliyey Raheem Sterling daqiiqaddii 17aad, waxaana ka horreeyey fursado kale oo dahabi ahaa oo ay heleen iyo kuwo ka dambeeyey oo ay ku badsan karayeen goolasha.

Leeds United oo iyaduna qaybta dambe maamulanaysay ciyaarta ayaa daqiiqaddii 59aad uu goolka barbarraha u dhaliyey weeraryahanka reer Spain ee Rodrigo oo beddel kusoo galay, iyadoo uu ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey goolhaye Ederson.

Leeds United ayaa heshay fursado kale oo badan, waxaase kuwii ugu cadcaddaa ee goolka loo fishay ka diiday goolhaye Ederson oo qaladkiisa ka  hor iyo kaddibba samaynayay badbaadin badan.

Barbarrahani waxa uu Leeds United keenay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, halka Manchester City ay fadhido booska 10aad ee kala-sarraynta kooxaha.

Xiddigii garoonka:

Raheem Sterling ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaana uu dhaliyey goolka kooxdiisa, fursado kale oo uu badan oo uu sameeyey iyo inuu ahaa khatarta ugu weyn ee Leeds ay waajahaysay.

Laacibkan ayaa qiimaynta kulanka ka helay darajada ugu sarraysa oo ahayd 8, mana jirin ciyaartoy kale oo darajadaas kala sinnaa dhamaan xiddigihii garoonka lagu bilaabay iyo kuwii beddelka kusoo galayba.

Ciyaartoygii ugu liitay kulanka ayaa isaguna kasoo baxay Manchester City, waxaanu ahaa Mendy oo ku haftay inuu xakameeyo weerarka daadka ahaa ee Leeds oo xataa awood u yeedhay inay dabada dhulka ugu dhuftaan isaga oo xerada ganaaxa ku jiray, taas oo helis gelisay goolkiisa.

Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood

Leeds: Meslier (6), Ayling (7), Koch (7), Cooper (7), Phillips (7), Helder Costa (6), Klich (6), Dallas (7), Alioski (5), Bamford (6), Roberts (6).

Beddelka: Poveda-Ocampo (7), Rodrigo (7),Davis (6).

Man City: Ederson (6), Walker (6), Dias (6), Laporte (7), Mendy (4), Rodri (6), Mahrez (6), De Bruyne (7), Foden (6), Torres (6), Sterling (8).

Beddelka Ake (6), Bernardo Silva (6), Fernandinho (6).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More