Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay In Real Madrid Lasoo

Tababare Zinedine Zidane oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Madrid ka hor kulanka Levante ay habeen dambe la ciyaari doonaan ayaa waxa uu soo qaaday ciyaartoyda tirada badan ee ka dhaawacan kooxdiisa, laacibka reer France ee Houssem Aouar haddii kooxdiisu lasoo saxeexan karayso iyo xiddigaha u baxaya kulamada caalamiga ah.

Zidane oo ugu horreyn la weydiiyey laacibka kooxdiisa iyo Arsenal ba lala xidhiidhinayo ee Houssem Aouar ayaa yidhi: “Ma garanayo waxa uu yahay macluumaadka aad ka haysaan, balse waa ciyaartoy wanaagsan, shakina igagama jiro taas. Waxa laga yaabaa in maalin uu u ciyaari doono Real Madrid, laakiin hadda waxaanu haysanaa kooxdan, waxaananu doonaynaa in aanu hore ugu socono ciyaartoyda aanu haysano.”

Tababaraha reer France ayaa waxa kale oo uu ka hadlay dhaawacyada laacibiinta difaaca midig ee Dani Carvajal oo muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaan doona iyo Alvaro Odriozola oo beddeli lahaa, balse isaguna dhaawac soo gaadhay.

Zidane waxa uu ku dooday in aanu ka walaacsanayn ciyaartoyda dhaawaca ah, balse aanu jeclayn in ay iyaga dhibaato soo gaadho, waxaanu yidhi: “Kama werwersani dhaawacyada laakiin ma jecli. Waxa aan u murugaysanahay ciyaartoyda dhaawacu soo gaadhay, balse inta kale ee kooxda ayaa hore u socon doonta.”

Sergio Ramos iyo Luka Modric oo lagu daray Toni Kroos, waxay udub-dhexaad u yihiin kooxda, sidoo kalena waxay u ciyaarayaan waddamadooda, waxaana Zidane la weydiiyey haddii ay tahay inuu nasiyo oo uu kulamada qaarkood kaydka dhigo, waxaanu ku jawaabay: “Ciyaartoyda aad i weydiinayso {Ramos, Kroos iyo Modrid} waxay ku jiraan da’doodii soddomeeyaha, waxaanay sii ciyaari karayaan lix ama toddoba sannadood oo kale.

“Da’du waxba ma sheegayso, waa si looga fikiro sida kooxdu uga faa’iidaysan karto guud ahaan iyo in kuwa la doortay ay ka go’an tahay inay qabtaan shaqada aan ka doonayo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More