Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa u yeedhay hal ciyaartoy oo difaac ah oo heerka labaad ee Castilla ka tirsan, si uu u buuxiyo booska ay ka dhaawacmeen labada ciyaartoy ee Dani Carvajal iyo Alvaro Odioziola.

Real Madrid ayaa ciyaarteeda saddexaad ee xili ciyaareedkan, waxay Axadda ku waajihi doontaa Levante iyadoo raadinaysa guushii saddexaad oo xidhiidh ah kaddib barbaro ay ku bilowdeen kulankii furitaanka oo ay goolal la’aan ku kala baxeen Real Sociedad.

Tababare Zidane ayaa soo xushay 20 ciyaartoy iyadoo sharcigu u ogol yahay 23 laacib, waxaana ka mid noqday da’yarka Victor Chust oo fursad ka raadin doona kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda koowaad.

Los Blancos ayay dhaawaca kaga maqan yihiin Eder Militao, Eden Hazard, Toni Kroos, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola iyo Mariano oo dhamaantood seegaya kulankan.

Laakiin waxa usoo laabtay Marco Asensio oo kasoo laabtay dhaawac, Luka Jovic oo ciyaartii saddexaad inuu kusoo bilowdo rajaynaya iyo Lucas Vazquez oo u sharraxan buuxinta difaaca midig ee ay ka dhaawacmeen Carvajal iyo Odiriozola.

Real Madrid oo horyaalka difaacanaysa ayaa doonaysa in guushii saddexaad ay hesho si ay uga fogaato Barcelona oo hal ciyaar ahi u dhiman tahay ka hor inta aan loo bixin fasaxa kulamada caalamiga ah oo Isniinta ay ciyaartoydu u ambobixi doonaan waddamadooda.

Liiska 20ka ciyaartoy ee Zidane usoo xushay kulanka Levante

Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Ferland Mendy, Victor Chust, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinivius iyo Rodrygo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More