Aston Villa vs Liverpool – Jurgen Klopp Oo Korona Fayras

Liverpool oo laba ciyaartoy oo muhiim ah uu kaga dhacay xanuunka halista ah ee Korona Fayras ayaa waxay u tegaysaa Aston Villa iyadoo uu Jurgen Klopp maanka ku hayo inuu soo helo guushii afraad ee xili ciyaareedkan, taas oo haddii uu soo gaadho ka caawin karta in hoggaanka uu ku qabsado Everton.

Aston Villa ayaa dhinaceeda guul kasoo gaadhay kulankii ugu dambeeyey ee ay ciyaartay, waxaanay si fudud dhibcaha uga soo qaadatay Fulham oo 3-0 ay kusoo garaacday.

Liverpool iyo Aston Villa ayaa ka siman in labadoodaba laga soo reebay tartanka Carabao Cup oo Arsenal iyo Stoke City ay soo garaaceen, waxaanay ku dagaallami doonaan sidii ay dhibcaha ugu kala xoogsan lahaayeen Villar Park.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool oo saddexdii ciyaarood ee hore kasoo badisay Leeds United, Chelsea iyo Arsenal ayaa guushii afraad ay u nqoon doontaa haddii ay mar kale saddexda dhibcood urursadaan.

Sadio Mane oo ahaa xiddigii ku hoggaamiyey guulihii ay ka gaadheen Arsenal iyo Chelsea, ayaa kulankan kaga maqan xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay, isla markaana Jimcihii si rasmi ah loo shaaciyey inuu ku dhacay oo uu gelayo karantiil 10 maalmood ah.

Waxa kasii horreeyey oo isaguna Korona Fayras ku dhacay saxeexa cusub ee Liverpool ee Thiago Alcantara oo kaliya ciyaartii Chelsea beddel kusoo galay, intii aan la gaadhin kulamadii Arsenal-na uu xanuunkani ku dhacay.

Jurgen Klopp waxa uu haystaa koox ku filan oo u buuxin karta booska xiddigaha xanuunka u jiifa, sidoo kalena dhaawacyaa jira ayaa iyagana uu xal u heli karaa maadaama khadka dhexe iyo weerarkaba ay joogaan laacibiin kale oo tayo badan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Aston Villa vs Liverpool

Tartanka: Premier League, kulamada 4aad

Waqtiga: 9:45 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Villa Park

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Sadio Mane iyo Thiago Alcantara ayaa Liverpool aan u joogin kulankan, kaddib markii uu Korona Fayras ku dhacay. Sidaas oo kale, kabtan Jordan Henderson oo dhaawac soo gaadhay ciyaartii Chelsea ayaa la filayaa in aanu shaxda koowaad kusoo bilaabanin, inkasta oo Jurgen Klopp uu sheegay inuu taam yahay.

Kostas Tsimikas ayaa liiska dhaawacyada kula jira Joel Matip iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah oo kusoo bilowday ciyaartii Carabao Cup ee Arsenal ayaa waxay mar kale kusoo noqon doonaan safka hore, iyadoo ay wehelinayaan laacibiinta soo nastay ee Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold, Andy Robertson, Roberto Firmino iyo Fabinho.

Sidoo kale, Jota ayaa ciyaartii ugu horreysay ee horyaalka ah ugu soo bilaaban doona Liveprool isagoo buuxin doona booskii Sadio Mane.

Dhinaca kale, waxa Aston Villa ay rajaynaysaa in ciyaartii ugu horreysay uu u safto laacibka ay Chelsea kasoo qaateen ee Ross Barkley ayna khadka dhexe wada adkaystaan Jack Grealish oo kasoo kabtay jug fudud oo soo gaadhay usbuucii hore.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Aston Villa: Martinez; Cash, Konsa, Mings, Targett; McGinn, Luiz, Hourihane; Barkley, Watkins, Grealish

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Jota

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More