Mushaharka Ciyaartoyda Manchester United Ee Kaddib Heshiiska

Manchester United ayaa heshiis laba sannadood ah la gaadhay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo si bilaash ah ay kula soo saxeexatay kaddib markii uu si xor ah uga tegay PSG.

Cavani ayaa la sheegay in toddobaadkii uu mushahar ahaan u qaadan doono lacag dhan £174,000 Gini, taas oo ka dhigaysa inuu ka mid noqonayo laacibiinta meelaha dhexe kaga jira liiska mushaharka ciyaartoyda Manchester United.

Kooxaha Benfica iyo Ateltico Madrid ayaa raadinayay weeraryahankan 33 jirka ah, laakiin waxa burburay wada-hadalladii ay isku dayayeen inay kula soo saxeexdaani illaa Manchester United ay ku guuleysatay heshiiskiisa.

David de Gea ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United waqtigan, waxaanu usbuucii u xaadiraa lacag dhan £350,000 Gini, waxaana kaalinta labaad fadhiya Paul Pogba oo £290,000 Gini mushaharkiisa toddobaadlaha ahi yahay, halka saddexaadna uu fadhiyo Anthony Martial oo £250,000 Gini qaata usbuucii.

Labada ciyaartoy ee reer England ee Marcus Rashfrod iyo Harry Maguire ayaa shanta kaalmood ee ugu sarreeya dhamaystira, waxaana mid walba uu toddobaadkii qaataa £200,000 Gini iyo £189,000 Gini, sida ay u kala horreeyaan.

Edinson Cavani ayaa kaalinta lixaad soo cidhiidhsanaya, waxaanu qaadan doonaa mushahar dhan £174,000 Gini toddobaadkii, taas oo sannadkiina noqon doonta £9 milyan oo Gini.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Man United ee kaddib heshiiska Edinson Cavani:

David De Gea – £19.5 million – £350,000

Paul Pogba – £15 million – £290,000

Anthony Martial – £13 million – £250,000

Marcus Rashford – £10.4 million – £200,000

Harry Maguire – £9.8 million – £189,000

Edinson Cavani – £9 million – £174,000

Juan Mata – £8.3 million – £160,000

Luke Shaw – £7.8 million – £150,000

Odion Ighalo – £6.5 million – £125,000

Fred – £6.2 million – £120,000

Victor Lindelof – £6.2 million – £120,000

Nemanja Matic – – £6.2 million – £120,000

Bruno Fernandes – £5.1 million – £100,000

Dean Henderson – £5.1 million – £100,000

Aaron Wan-Bissaka – £4.6 million – £90,000

Scott McTominay – £60,000 usbuucii

Mason Greenwood – £40,000 – usbuucii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More