Manchester United Oo Ka Faa’iidaysanaysa Saacadaha Ka Hadhay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka faa’iidaysanaysa saacadaha kooban ee ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay heshiis la gaadhay xiddigii labaad ee xagaagan kusoo biiraya.

Manchester United oo hore u diiwaangashatay Donny van de Beek oo kaliya, waxay muddo ku jirtay suuqa iyadoo lala xidhiidhinayay ciyaartooyo badan oo ugu horreeyey Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ay ka biyo diidday qiimaha ay Red Devils ula tagtay.

Sidoo kale, dhawr ciyaartoy oo kale oo ay ka mid ahaayeen Sergio Reguilon, Gareth Bale, Jack Grealish iyo Alex Telles ayaa Manchester United ay isku dayday saxeexyadooda, waxaase saddexda hore ay si rasmi ah uga quusatay markii ay laba ka mid ahi ku biireen Tottenham, midka dambena uu qandaraaska u kordhiyey naadigiisa Aston Villa.

Laakiin waxa aanay wali ka quusanin oo ay rajo ka qabtaa in ay heli doonaan difaaca reer Brazil ee Alex Telles, halka Jadon Sancho isagana aanay ka rajo dhigin.

Manchester United ayaa waxay heshiis laba sannadood ah la gaadhay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo ay si bilaash ah kula saxeexatay, kaddib markii uu laacibkaasi bishii June ka tegay psg.

Edinson Cavani ayaa heshiis laba sannadood ah u saxeexay Manchester United, waxaanu usoo safri doonaa magaalada Manchester Axadda berri iyadoo si rasmi ahna loogu soo bandhigi doono jamaahiirta fiidnimada berri ama Isniinta.

33 jirkan ayaa Manchester United ka caawin doona dhalinta goolasha oo uu aad ugu wanaagsan yahay, waxaanu xili ciyaareedkii hore oo qayb ka mid ah uu dhaawac ku maqnaa uu PSG u dhaliyey toddoba gool oo dhamaan tartamada ah.

Heshiiska Cavani ayay Manchester United ku garaacday Atletico Madrid iyo Benfica oo in muddo ah lala xidhiidhinayay, waxaana uu mushahar u qaadan doonaa muddada uu joogo Old Trafford £200,000 usbuucii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More