Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Miyuu Sharcigu U Ogolaanayaa Liverpool Inay Samayso Saxeex
Liverpool ayuu ku habsaday dhaawac kale oo argagax leh, waxaana liiska xiddigaha aan xisaabta kooxda soo geli doonin xili ciyaareedkan ku biiray difaaca reer England ee Joe Gomez.Laacibkan ayaa la rumaysan yahay in jilibka uu kasoo gaadhay dhaawac culus inkasta oo aanay wali soo bixin baadhitaannadu oo maanta sawirrada laga qaadi doono, waxaanay taasi dhibaato ku tahay Liverpool oo difaac la’aani ku dhacayso.Waxa hore kooxdan uga sii dhaawacnaa Virgil van Dijk oo illaa badhtamaha sannadka dambe ee 2021-ka ka maqnaan doona…
Arsenal Oo Lagu Eedeeyey ‘Laba-Wajiilayn’ Iyo ‘Cunsuriyad’
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu eedeeyey ‘laba-wajiilayn’ iyo cunsuriyad ay ku samaynayso xiddiga muslimka ah ee Mesut Ozil oo laga reebay liiska ciyaartoyda kooxdaas ee tartanka Europa League iyo sidoo kale Champions League.Golaha Dadka Turkey-ga ah Ee Cyprus (The Council of Turkish Cypriot Associations) ayaa warqad furan u diray Arsenal Arbacadii shalay, waxaanay ku dhalleeceeyeen sida ay kooxdaasi ula dhaqmayso xiddiga Muslimka ah ee koobka Adduunka kula guuleystay Jarmalka.Warqaddu waxa kale oo ay ku eedaysay…
Waa Kuma Ciyaartoyga Dhaawaca U Geystay Difaaca Liverpool Ee
Difaaca Liverpool ee Joe Gomez ayaa dhaawac looga saaray xulka qaranka England ee tababarka qaadanayay shalay, kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay.Tababaraha xulka qaranka England oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Gomez uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana uu ka tirtiray liiska xulka qarankiisa ee kulamada soo socda.Laacibkan ayaa mari doona baadhitaano ay kooxdiisa Liverpool ku samayn doonto, waxaana laga qaadi doonaa sawirro lagu ogaanayo sida uu yahay dhaawaciisu iyadoo markaa kaddibna go’aan…
Alex Song oo heshis la galay AS Arta Solar7 kadib markii laga cayriyay kooxda FC Sion
Ciyaaryahankii hore ee reer Cameroon Alex Song ayaa dhameystiray heshiis lama filaan ah oo uu ugu dhaqaaqay naadiga aan aadka loo aqoon ee reer Jabuuti ee Arta Solar 7 kaas oo miska hoostisa lagu kala saxiixday.
“Waxaan labo sano oo qandaraas ah u saxiixay kooxda Carta. Tani waa fursad aan ku hormarin karo kubada cagta Jabuuti”, xiddigii hore ee khadka dhexe ee Barcelona iyo Arsenal ayaa ku shaaciyay bartiisa twitter-ka.
33 jirkaan ayaa xor ahaa tan iyo bishii Maarso markii isaga iyo sideed ciyaartooy kale shaqada ay…
Alex Song lands in Djibouti After being sacked by FC Sion
The Cameroonian has been out of action since leaving Swiss club FC Sion back in March.
France Oo La Garaacay, Portugal Oo 7 Gool Ku Badisay &
Donny van de Beek ayaa iska gadaal mariayy dhibaatadiisa Manchester United isagoo ka caawiyay xulkiisa Netherlands inay ka soo kabsadaan gool looga hormaray islamarkaana ay barbaro 1-1 ku qabteen xulka Spain kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Johan Cruyff Arena.Van de Beek ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo Man United laakiin wuxuu hooy ku dareemay garoonkii uu wacdarraha ugu dhigayay Ajax isagoo kubad hoose dabamariyay Unai Semino daqiiqadii 47aad wuxuuna kansalay gool uu Spain u dhaliyay Sergio Canales.Waa…
Heshiiskiisii Real Madrid Ayaa La Kansalay, Fiorentina Ayaa
Noloshu way wajiyo badan tahay, mar ay kuu wanaagsan tahay oo aad farxad ku sugan tahay iyo waqti adag oo samirkeeda lagaa rabo.Pedro Guilherme Abreu dos Santos oo ay da’diisu tahay 23 jir, waxa uu caan ka yahay waddanka Brazil. Waa xiddiga Flamengo ee tobanka gool u dhaliyey kooxdiisa 18 kulan oo xili ciyaareedkan ah, waxaana farxaddan uu ku jiro uga horreeyey xilliyo murugo oo mugdi geliyey mustaqbalkiisa.Weeraryahankan ayaa looga yeedhay xulka qaranka Brazil oo uu u xidhan doono No.9 kulamada saaxiibtinimo balse…
Kaddib Dhaawacii Gomez, Waa Kuwan SHAN Difaac Oo Dunidu
Jurgen Klopp ayaa ku qasban inuu ka laabto go’aankiisii ahaa in aanu lasoo saxeexan doonin difaac marka la gaadho bisha Januay, iyadoo uu hadalkaasna jeediyey xagaagii oo uu diiday in kooxdiisu u baahan tahay difaacyahanno.Tababaraha reer Germany ayaa hadda suuqa indho-indhaynaya, waxaanu niyadda ka jeclaysanayaa haddii waqtigu soo degdegi lahaa oo bisha January ay toddobaadkan bilaabmi lahayd, si uu ula soo saxeexdo difaacyahanno cusub.Reds oo uu bishii hore ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan…
Difaacyadii Abid Ugu Wanaagsanaa Horyaalka Premier League Oo
Jamie Carragher ayaa shaaciyey in difaacii ugu wanaagsanaa abid ee ka ciyaara horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League uu yahay halyeygii hore ee Chelsea ee John Terry.Kabtankan hore ee Blues ayaa yimid Stamford Bridge markii ay da’diisu ahayd 19 jir, waxaanu kula guuleystay shan horyaal oo Premier League ah intii uu ahaa kabtanka kooxda.Ruug-caddaagii difaaca Liverpool ee Jamie Carragher ayaa xilliyadii uu isaguna garoomada ku jiray waxay iska hor yimaaddeen John Terry, laakiin dhinaca kale, waxay iska garab…
Arsenal Oo Bisha January Qasnaddeeda U Jabinaysa Xiddiga
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa bisha January bartilmaameed ka dhigan doonto weeraryahanka da’da yar ee reer Brazil ee Brenner oo lagu naanayso ‘Ronaldinho-ha cusub’, kaas oo u ciyaara naadiga Sao Paulo.Tababare Mikel Arteta ayaa laacibkan yar ka dhigan doona dookh afka hore ah oo uu ku xallin karayo dhibaatada goolal la’aanta iyo qaabka liita ee xiddigihiisa afka hore ay u shaqaynayeen.Kabtanka kooxda ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette oo afka hore ah ayaa inta badan uu isku halleeyaa Mikel Arteta,…