“Riyadayda Weeyaan Inaan U Ciyaaro Real Madrid” – Paul Pogba

Xiddiga khadka  dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba oo qandaraaskiisa Old Trafford ka hadhsan yahay wax ka yar sannad ayaa waxa uu diiday inuu meesha ka saaro inuu mustaqbalka u ciyaari doono Real Madrid.

Laacibka reer France ayaa waxa uu sheegay in u ciyaarista kooxda haysata horyaalka LaLiga ee Real Madrid ay tahay riyadiisa, laakiin waqtigan uu kaliya diiradda saarayo kooxdiisa hadda ee Manchester United.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa la weydiiyey waxa uu ka sheegi karayo xiisaha Real Madrid uu u qabo, waxaanu yidhi: “Maxaan idiin sheegi karaa? Hubaashii, dhamaan ciyaartoydu way jecel yihiin inay u ciyaaraan Real Madrid. Hubaashiina riyo ayay tahay. Aniga ayay riyo ii tahay, maxay tahay sababta aanan ugu biirayn maalin maalmaha ka mid ah? Sida aan horeba u sheegay, waxa aan hadda joogaa Manchester United oo ah koox aan jecelahay. Iyada ayaan wax walba u hurayaa hadda, naftayduna halkan ayay ku faraxsan tahay iyo inaan kusoo celiyo halkii kooxdani u qalmaysay.”

Pogba waxa uu xili ciyaareedkii hore kusoo jiray xaalad adag oo dhaawacyo iyo hoos u dhac ciyaareed ah, taas oo ay u raacday in si weyn loo hadal hayay heshiiskiisa Manchester United ee sii dhamaanaya iyo haddii uu kordhinayo, waxaana mar wax laga weydiiyey uu ku jawaabay: “In badan ayaa laga hadlay arrintan, laakiin anigu wali kalama hadal (maamulka United.)

“Anigu waxa aan door bidaa ciyaarta iyo inaan kusoo soo laabashadayda. Lamaan hadal Ed Woodward. Kamaanaan wada-hadal heshiis kordhin. Hadda halkan ayaan joogaa, waxaana kaliya aan ka fikirayaa sidii aan ugu soo laaban lahaa qaabkaygii ugu fiicnaa.

“Waxa aan qiyaasiyaa in kooxdu ay ii iman doonto oo ay ila hadli doonto, lagana yaabo inay wax iisoo jeediyaan, amaba aanay waxba iisoo jeedin. Laakiin waqtigan, hadda waxba ma jiraan, kamana hadli karayo wax aanan ogeyn. Inta ugu badanna waxaan ka fikiraa sidii naftaydu u faraxsanaan lahayd.”

Real Madrid oo wax laga sii weydiiyey ayuu ku jawaabay: “Waxay ka mid yihiin kooxaha ugu wanaagsan dunida.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More