Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Pierre-Emerick Aubameyang Oo Jawaab Lagu Qancay Siiyay Toni

Toni Kroos ayaa weerar ku qaaday Pierre-Emerick Aubameyang qaabka uu u dabaaldego iyo maaskarada uu xirto mararka qaar marka uu gool dhaliyo.Aubameyang ayaa caan ku ah inuu maaskaro ku qarsado sigsaanta islamarkaana uu la soo baxo marka uu gool dhaliyo isagoo xirta maaskaro ka sameyso Batman ama Superman.Toni Kroos oo ka hadlay dabbaal-deggan ayaa dhaliil u jeediyey Aubameyang, waxaanu yidhi: “Anigu waxaan u arkaa inay tahay doqonimo weyn iyo maalaayacni. Waxa kasii daran inay ku qarsadaan sigsaanta.“Aubameyang mar ayuu…

Kooxaha Ugu Qiimaha Sareeya Premier League Oo La Soo Saaray,

Liverpool ayaa ah kooxda ugu qiimaha badan Premier League iyadoo lagu qiimeeyay lacag ku dhow HAL BILYAN ginni.Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa lagu qiimeeyay lacag gaareysa 979 milyan ginni sida ay qortay jariirada The Sun.Waxay taasi ka dhigeysaa inay si ciriiri ah uga sarre maraan kooxda Manchester City iyo kooxaha kale ee soo ceyrsanaya.Kooxda ugu qiimaha jaban waa West Brom oo lagu qiimeeyay lacag gaareysa kaliya 79 milyan ginni, waana lacag ka yar intii ay Man United ku qarashgareysay saxiixa Harry Maguire…

Islaamka Naceybka Ka Dhex Jira Kooxaha Ingariiska Oo Keentay

Maziar Kouhyar ayaa ka shaaca ka qaaday in mid ka mid ah xiddigaha ay iska garab ciyaaraan ee kooxda Walsall ee dalka Ingariiska inuu ugu yeero “argagixiso”.23 jirkaan ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay ka soo soo guureen dalkooda Afghanistan sannadkii 1998 iyagoo degay magaalada Birmingham, wuxuuna noqday xiddigii ugu horeeyay ee Afghani ah ee ka ciyaara mid ka mid ah afarta horyaal ee ugu sareysa Ingariiska.Kouhyar ayaa u saxiixay kooxda Walsall sannadkii 2016, laakiin haatan wuxuu baadigoob ugu jiraa koox cusub.Xiddiga khadka…

Santos Oo Difaacay Sababta Uu Keyd U Geliyay Cristiano

Tababaraha xulka Portugal Fernando Santos ayaa difaacay go’aankii uu kursiga keydka ku geliyay Cristiano Ronaldo kulankii xalay ee Andorra isagoo sheegay in xiddiga Juventus uu jabin lahaa rikoodhka goolasha caalami ah waqti walba.Ronaldo ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad isagoo shabaqa taabtay xilli ay Portugal 7-0 ku xasuuqday kooxda Andorra kulan saaxiibtinimo oo xalay ka dhacay Lisbon.Xiddiga Juventus ayaa dhaliyay 102 gool oo heer caalami ah isagoo ku dhow inuu jabiyo rikoodhka goolasha ugu badan ee xul qaran loo…

Nicolas Pepe Oo Ku Socda Wadadii Mesut Ozil Uu Maray & Mikel

Nicolas Pepe ayaa ah xiddiga ugu qaalisan Arsenal taasoo soo jeedineysa inuu had iyo jeer ka mid ahaado shaxda tababare Mikel Arteta.Laakiin sida uu Arteta tusay Ozil, lacag iyo maqaam midna kaama caawineyso inaad ka mid ahaato shaxda kooxda Arsenal iyo liiska ciyaartoyda.Pepe ayaa kaliya 12 kulan u saftay Arsenal tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.Wuxuu soo bandhigay mararka qaar qaab ciyaareed aad u fiican isagoo shabaqa soo taabtay seddex jeer. Laakiin waxa uu sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed aan joogta aheyn…

“Waa Mucjiso Inuu Weli Nool Yahay” – Qareenka Diego Maradona

Qareenka Diego Maradona ayaa sheegay inay mucjiso tahay inuu weli nool yahay halyeeyga kubada cagta.Xiddigii hore ee kubada cagta ayaa la sawiray isagoo laga saarayo cusbitaalka Olivos Clinic laguna qaadayo ambalaas habeenkii Arbacada.Maradona oo sidoo kale lagu sawiray isagoo dhoolacadeynaya islamarkaana jooga sariirta bukaanka ayaa sideed maalmood ku jiray cusbitaalka ka dib markii lagu sameeyay qaliin degdeg ah madaama uu dhiig fariistay maskaxda.Maradona ayaan wax weyn ka soo qaadin qaliinka lagu sameeyay isagoo sheegay…

Carlos Tevez Oo Magacaabay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Abid

Carlos Tevez ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu fiicnayd ee uu ka garab ciyaaray sannadihii badnaa ee uu garoomada ku jiray, waxaanu liiskiisa kusoo daray toddoba ciyaartoy oo Manchester United ka tirsan.Laacibkan hore ee West Ham United, Manchester United iyo Juventus ayaa iska indho tiray inuu ciyaartooyo kasoo qaato Manchester City oo uu ku qaatay muddo ka badan intii uu Manchester United joogay.Kooxdii yaraantiisii ee Boca Juniors, mar dambena uu dib ugu laabtay ayaa uu dhowaan ku tilmaamay kooxdii ugu fiicnayd ee abid…

11kii Saxeex Ee Ugu Qaalisanaa Arsenal Iyo Xaaladaha Ay Ku

Arsenal ayaa kulankeedii ugu dambeeyey bahdilaad 3-0 ah loogu geystay garoonkeeda, waxaana ku dubatay Aston Villa oo siday doonto ka yeeshay.Natiijadani waxay Gunners ku tuurtay kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League iyagoo afar ciyarood oo kaliya guuleystay siddeed kulan oo ay ciyaartay.Inkasta oo niyadsamaan loo muujinayay, haddana way muuqataa in aanay marnaba la tartami karaynin kooxaha waaweyn, waxaanay jamaahiirta Arsenal haddaba niyadda sii gashanayaan inay adag tahay in xataa ay afarta kooxood ee ugu sarreeya…

Afar Ciyaartoy Oo Si Xor Ah Uga Tegi Doona Manchester City

Manchester City ayaa halis ugu jirta inay weydo afar ka mid ah xiddigaheeda oo si bilaash ah uga tegi doona bilo kaddib marka la gaadho waqtigii uu qandaraaskoodu ku ekaa.City oo hore u lumisay Leroy Sane oo ay ku qasbnaatay inay iibiso markii uu bilaabmayay sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisu, isla markaana uu diiday inuu heshiiska cusboonayso, ayaa waxa kale oo ay hadda khatar ugu jirtaa in afar laacib oo kale ay albaabka ka baxaan.Inkasta oo lagu qasbay inay iibiyaan Leroy Sane oo £40 milyan oo Gini ay ka heleen,…

Ciyaartoy Uu Hayey Korona Fayras Oo 45 Daqiiqadood Ciyaaray

Kulamadii qaramada ee xalay ayay arrin argagax leh ka dhacday kaddib markii la ogaaday in laacib muddo 45 daqiiqadood garoonka ku jiray oo dhamaystay qaybtii hore uu qabo xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu dhamaan ciyaartoydii garoonka ku jirtay galaangal la yeeshay.Kulankii Croatia iyo Turkey ayaa isku beddelay mid shaki iyo sas ah oo ay ciyaartoydu ka qaadeen baqdin aan la koobi karaynin, kaddib markii ay ogaadeen in difaaca ahna kabtanka xulka qaranka Croatia ee Domgoj Vida oo qaba Korona Fayras uu 45kii daqiiqadood…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More