Frank Lampard Oo Shaaciyey Liiska Champions League Uga
Frank Lampard ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda Chelsea uga qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanu kusoo daray laacibiinta dibedyaalka ah ee Antonio Rudiger, Marco Alonso iyo Emerson Palmieri oo lala xidhiidhinayay bixitaan.
- Advertisement -
Magacyada 21ka ciyaartoy ee Chelsea ku meteli doona Champions League oo loo bixiyey List A ayaan lagu soo darin ciyaartooyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Mason Mount, Callum Hudson-Odoi , Billy Gilmour iyo Reece James oo la raaciyey liiska labaad ee B ee aan sida rasmiga ah ugu jirin naadiga, laakiin la soo xulan karo oo qaab da’yar ahaan oo kale u diiwaangashan.
Labada liis ayaa waxay ku kala duwan yihiin in qolada hore ay rasmi yihiin, kuwa labaadna ay yihiin kuwa lasoo xulan karo oo ciyaartoyda lagu soo dari karo inta ka horreysa saqda dhexe ee kulan walba oo Champions League ah, haddii saacadahaas lagala habsaamana ay seegi doonaan kulanka.
Liiska koowaad ayay ku jiraan saddexda goolhaye ee Edouard Mendy, Kepa Arrizabalga iyo Willy Caballero.
Chelsea ayuu tartanka Champions League ee xili ciyaareedkani uga bilaabmi doonaa garoonkeeda Stamford Bridge oo ay maalin Salaasa ah isku haleeli doonaan ka hor inta aanay u safrin Krasnodar usbuuc ay mashquul yihiin oo sidoo kale ay sugayaan Manchester United iyo Burnley oo horyaalka Premier League ku sugaya.
Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Chelsea uga qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan:
LIST A: Kepa Arrizabalaga, Antonio Rudiger, Marcos Alonso. Andreas Christensen, Jorginho, Thiago Silva, N’Golo Kante, Tammy Abraham, Christian Pulisic, Timo Werner, Willy Caballero, Fikayo Tomori (club-trained), Kurt Zouma, Edouard Mendy, Mateo Kovacic, Olivier Giroud, Ben Chilwell, Hakim Ziyech, Cesar Azpilicueta, Kai Havertz, Emerson Palmieri.
LIST B: Mason Mount, Callum Hudson-Odoi , Billy Gilmour, Reece James.