Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Real Madrid Oo Lagu Xasuuqay Mestalla Stadium, Seddex
Real Madrid ayaa lagu xasuuqay garoonka Mestalla Stadium ka dib guuldarro 4-1 ah oo ka soo gaartay Valencia iyadoo looga badiyay seddex rigoore iyo gool ay iska dhaliyeen xilli ay iyagu ku hormareen goolka.Kulankaan ayaa laga diiwaangeliyay taariikh iyadoo markii ugu horeysay abid Real Madrid laga dhigay seddex rigoore hal kulan gudahiis, halka xiddiga Valencia Carlos Soler uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddex rigoore ka dhaliya hal kulan oo La Liga ah qarnigaan 21aad.Natiijadaan ayaa kalsooni weyn siineysa kooxda…
Xiddig Magac Weyn Ku Lahaa Arsenal & Barcelona Oo Ku Biiray
Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo Barcelona Alex Song ayaa ku biiray koox ka dhisan horyaalka Dalka Jabuuti.Song oo 33 sanno jir ah ayaa qandaraas labo sannadood ah u saxiixay kooxda dalka Jabuuti ka dhisan ee AS Arta Solar 7.Xiddigii hore ee xulka Cameroon ayaa heshiis xor ah ugu wareegay kooxdaan. Waxa uu ka tagay kooxda reer Switzerland ee Sion bishii March ee 2020 isaga iyo sideed xiddig kale ka dib markii ay diideen inay hoos u dhigaan mushaharkooda sababto la xiriira Korona Fayras.Ka hor inta uusan ka ciyaarin…
Aston Villa Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaarisay
Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa karbaashtay Arsenal oo ay marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium, waxaanay ugu dhiibtay 3-0.Villa ayaa soo afjartay waqtigii farxadda ee tababare Mikel Arteta, waxaana daqiiqaddii koowaad ee ciyaarta ay kaga naxsatay gool uu dhaliyey John McGinn oo hubintiisu ay muddo qaadatay, kaas oo markii dambe meesha laga saaray.Goolka koowaad ee rasmiga ah ee Aston Villa hoggaanka u dhiibay ayaa waxa iska dhaliyey difaaca da’da yar ee Arsenal ee Bukayo Saka. Qaybtii dambe ee ciyaarta ayey Aston…
Laba Arin Oo Aan Ka Baranay Kulankii Man City Vs Liverpool ,
Om
Press
Upphovsrätt
Kontakta oss
Kreatörer
Annonsera
Utvecklare
Villkor
Sekretess
Policy och säkerhet
Så fungerar YouTube
Testa nya funktioner
© 2020 Google LLC…
Qiimaynta Ciyaaryahanadda Iyo Xaqiiqooyinka Kulankii Man City
Kevin de Bruyne ayaa qaybtii hore kooxdiisa ka lumiyey fursad ay ku heli lahayd saddex dhibcood, isla markaana sare ugaga soo kici lahayd booska niyad-jabka ah ee ay ku jirto, kulankii ay Manchester City kusoo dhoweysay Liverpool ee ay barbarraha 1-1 ku kala baxeen.Liverpool ayaa goolka la hormartay, waxaana u dhaliyey Mohamed Salah iyadoo uu goolkanna ahaa rikoodhe la siiyey kaddib qalad lagu galay Sadio Mane.Gabriel Jesus ayaa daqiiqaddii 31aad goolka barbarraha u dhaliyey Man City, waxaase nasiib-darradooda rikoodhe…
Geesinimadii Klopp, Doodda Jesus Ee Sii Socota Iyo SHANTII
Manchester City iyo Liverpool ayaa ku kala baxay barbarro 1-1 ah kulankooda koowaad ee xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier League, kaas oo naadi walba u kordhiyey hal dhibic oo kaliya.Reds ayaa daadihinaysay bilowgii hore ee ciyaarta, waxaanay u qalmaysay inay hoggaanka qabato, iyadoo uu taasna u hirgeliyey Mohamed Salah oo rikoodhe u saxeexay.Laakiin City ayaa saacad badhkeed markii ay ciyaartu socotay waxa uu kooxdiisa u keenay goolka barbarraha iyadoo uu xerada ganaaxa ku gujiyey kubbad uu ka hoos saaray Alisson…
Man City Iyo Liverpool Oo Barbarro Ku Heshiiyey, Kevin de
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lumisay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay barbarro 1-1 ah wada galeen Manchester City oo ay ku wada ciyaareen garoonka Etihad Stadium.Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League u degtay, waxaana ka hor martay Leicester City oo hal dhibic ka sarraysa iyo Tottenham oo farqiga goolasha kaga haysa booska labaad.Liverpool ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 11aad, waxaana rikoodhe u dhaliyey Mohamed Salah kaddib markii…
Barcelona Oo Shaacisay In Qalliin Lagu Samayn Doono
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay in da’yarkeeda afka hore ee Ansu Fati uu qalliin jilibka ah mari doono maalinta Isniinta ee berri, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii ay kooxdiisu 5-2 ku garaacday Real Betis Sabtidii.
Fati oo kusoo bilowday kulankaas ayaa la beddelay waqtigii nasashada kaddib daaweyn loogu sameeyey garoonka dhexdiisa daqiiqadihii ugu dambeeyey qaybta hore, waxaana booskiisa yimid Lionel Messi oo kaydka kusoo bilowday.
War-saxaafadeed ay Barcelona soo saartay ayay ku shaacisay in…
Pep Guardiola Oo Shaaciyey Sababta Uu Riyad Mahrez Uga Maqan
Riyad Mahrez ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Manchester City ee kulanka adag ee Liverpool oo la filayay inuu qayb ka noqdo.Xiddiga reer Algeria oo kusoo bilowday sagaal ka mid tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Manchester City ayaan ku jirin shaxda koowaad iyo kaydka midna, waxaana booskiisii kusoo bilowday Ferran Torres oo garabka midig ee weerarka taagan, halka Bernardo Silva iyo Phil Foden ay laguba kaydka ku jiraan.Tababare Pep Guardiola oo ka hadlay ciyaartan ayaa sheegay in Mahrez uu uga saaray liiska kooxda…
Andrea Pirlo Oo Xaqiijiyey Nooca Dhaawac Cristiano Ronaldo
Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyey in xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta intii ay socotay ciyaartii maanta ay barbarraha 1-1 ku kala baxeen Lazio.Ronaldo ayaa Juventus u dhaliyey gool qaybtii hore kulankan oo ka dhacay garoonka dhibaatada badan ee Stadio Olimpico, waxaa se uu ku dhacay dhulka daqiiqaddii 76aad markii ay isku dhaceen laacibka khadka dhexe uga ciyaara Lazio ee Luis Alberto, taas oo keentay in beddel degdeg ah lagu sameeyo.Andrea Pirlo oo warbaahinta la…