Barcelona Oo Shaacisay In Mooshin Xilka Laga Qaadayo

Ugu badnaan 16,250 saxeex ayaa loo baahnaa si mooshin maamuus ka xayuubin ah loogu madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona, laakiin tirada la hayo ayaa xataa intaas ka badatay, waxaanay taasi ka dhigan tahay inlasoo gole joojin doono.

Barcelona ayaa xaqiijisay in saxeexyo ku filan oo sax ah loo hayo in codka kalsoonida loo qaado madaxweyne Josep Maria Bartomeu, isla markaana Khamiistii maanta ay tirada xubnaha dalbatay in kalsoonida loo qaado ay gaadhay 20,687, taas oo ka sarraysa intii xisaab ahaan laga doonayay.

Sida uu sharcigu dhigayo, marka tirada codadka saxda ahi ay gaadhaan intii laga doonayay, waxay boodhka sare ee  maamulku shaqada sii wadayaan 10 illaa 20 maalmood ah oo ah waqtiga ay ku diyaarinayaan in la qabto shirka kalsooni u qaadista.

War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona ayay ku sheegtay in Arbacadii October 7 ay soo bilaabantay saxeexyada lagu dalbanayo cod u qaadista Madaxweyne Bartomeu oo loo baahnaa in ugu yaraan ay noqdaan 16,250, isla markaana tiradaasi ay buuxsantay, taas darteedna uu Madaxweyne Bartomeu ay haystaan ugu yaraan 10 maalmood, ugu badnaanna 20 maalmood oo shaqo, kaddibna codka kalsoonida loo qaadi doono.

Barcelona oo qalalaase ku jirtay muddooyinkii ugu dambeeyey isla markaana ay is casileen xubno ka tirsnaaa guddida maamulka oo kasoo horjeeday Bartomeu ayaa waxay u badan tahay in Madaxeynuhu aanu kalsooni heli doonin oo la caydhin doono.

Laakiin sida uu sheegay Jordi Cardoner oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Barcelona, waxay qabaan kalsooni buuxda inay kusii negaan doonaan shaqadooda inkasta oo xaalado adag uu waajahay Madaxwyene Josep Maria Bartomeu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More