Muxuu Sir Alex Ferguson U Saadaaliyey Jurgen Klopp Maanta Oo

Markii uu Jurgen Klopp la wareegay shaqada Liverpool maanta oo kale shan sannadood ka hor oo ahayd October 2015, Sir Alex Ferguson ayaa sii saadaaliyey sida uu noqon doono waayaha tababaraha reer Germany ee Anfield iyo guulaha uu gaadhi karaba.

Ferguson oo Manchester United u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah, waxa uu sii saadaaliyey in Jurgen Klopp uu wax fiican ka samayn doono horyaalka Premier League oo uu koobka u qaadi doono Liverpool, isaga oo qirtay in taasi walaac ku hayso isaga maadaama uu Manchester United yahay oo ay labada kooxood is colaadiyaan.

Labada tababare ee Ferguson iyo Klopp ayaa waxay isku yaqaaneen si shaqsi ah iyagoo casharro ama duruus ku saabsan tababarenimada ka bixin jiray xarunta FIFA ee Switzerland ee macallimiinta soo kacaysa lagu layliyo, waxaana Sir Alex Ferguson uu bilowgiiba qiray awoodaha iyo xeeladaha uu Klopp leeyahay.

Sir Alex Ferguson oo October 2015 ay warbaahinta Maraykanka ah ee ESPN wax ka weydiisay magacaabista Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa yidhi: “Waa nagacaabis wanaagsan. Waan la dhacsanahay. Waxa aan si fiican ugu bartay Jurgen kulamadayadii fasallada tababarenimada ee Geneva.

“Wuxuu leeyahay shaqsiyad xooggan, aad u xoog badan, aad u mayal adag, yool iyo bandhigna leh, waayihiisii Borussia Dortmund na waxay ahayd mid heerka u sarreeya gaadhay. Waxay ila tahay inuu si fiican u shaqayn doono.”

Mar wax laga weydiiyey Sir Alex Ferguson haddii uu Jurgen Klopp horyaalka ku guuleysan doono, waxa uu yidhi: “Anigu ma jecli inaan sheego, balse joogistiisa Liverpool waan ka walaacsanahay (maadaama ay colaadi ka dhaxayso Man United). Laakiin si fiican ayuu ugu guuleysan doonaa.”

Jurgen Klopp ayaa dhinaciisa waqtigaas waxa  uu sheegay in sannadka 2020 uu koobka horyaalka ku guuleysan doono, waxaana saadaashaas uu rumeeyey isla waqtigii uu qabsaday.

Dhinaca kale, Sir Alex Ferguson ayaa dhowaan shaaciyey in Jurgen Klopp uu hurdada ka toosiyey 3.30am (habeen badhkii) oo uu telefoon usoo diray maalintii ay liverpool horyaalka ku guuleysatay bishii June, taas oo uu Klopp qirtay inuu sameeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More