Arsenal Oo Jeex-Jeexeysa Qandaraaska Mesut Ozil, Waqtiga Ay

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay dib u bilaabeyso wadahadaladii ay kula jirto Mesut Ozil si ay u jeex-jeexaan qandaraaskiisa oo uu isbuucii ku qaato 350 kun ginni.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya in Arsenal ay mar kale wadahadal la geli doonto xiddiga khadka dhexe ee laga masaafuriyay shaxda kooxda si ay mushaharkiisa isaga meeleeyaan bisha Janaayo.

Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay xiriir la sameysay Ozil labadii isbuucii ee ugu danbeysay si ay heshiis uga gaaraan sagaalka bilood ee ka harsan qandaraaskiisa.

Laakiin wadahadaladaas ayaa noqday kuwa aan mirodhal laheyn iyadoo xiddigii hore ee Real Madrid oo 15ka bishaan noqonaya 32 jir uu ku adkeysanayo go’aankiisa.

Caqabada ugu weyn ee hortaagan in la kansalo qandaraaska Ozil ayaa ah in ciyaaryahanka uu dalbanayo in si kaash ah loo siiyo 13ka milyan ginni ee uga harsan qandaraaskiisa.

Waxa uu diyaar u yahay inuu mushaharkiisa qaaliga ah iska qaato isagoo aan wax kubad ah ciyaareynin ugu yaraan ilaa bisha Janaayo.

Ozil warkiisa waa cad yahay, wuxuuna doonayaa inuu kooxda iska sii joogo oo 350 kun ginni qaato isbuuc walba ilaa iyo xagaaga danbe markaasoo uu qandaraaskiisa dhacayo, haddii ay kooxda ciyaarsiineyso iyo hadii kalaba.

Ama wuxuu dalbanayaa in mushaharkii uuqaadan lahaa sagaalka bilood ee ugu harsan qandaraaskiisa in la sii hormariyo si uu u kansalo qandaraaskiisa.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa Ozil ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ku mataleysa Europa League. Wuxuu sidoo kale ku dhow yahay in laga reebo liiska 25ka xiddig ee Premier League ku matalaya kooxda.

Xiriirka u dhaxeeya Arsenal iyo Mesut Ozil ayaa u muuqda mid gaaray meel aan ka soo laabasho laheyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More