Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
GOOLKA SANADKA!! Daawo Muuqaalka Xiddig Dhaliyay Gool Lagu
Daafaca Nicolai Geertsen ayaa tartanka Danish Cup haatanba kasii dhaliyay mid kamida goolasha la filayo inay ku tartami doonaan abaalmarinta goolka sanadka ee Puskas Award xilli ay kooxdiisa Lyngby kahor tagaysay dhigeeda SBI.Nicolai Geertsen ayaa marka hore kubadda oo koorne lasoo tuuray ahayd qaab maqas (Dhabal) ah u darbaynaya balse isku daygiisaas quruxda badan ayaa birta goolka kasoo noqonaya.Markale Geertsen ayaa isaga oo dhulka yaala sameeyay dhaq-dhaqaaqa uu ku wajahayay kubadda birta kasoo booday oo isaga kusoo…
Dagaalka Kroos Iyo Aubameyang Oo Heer Kale Gaartey, Mesut
Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa markiisa ka qayb qaatay dagaalka iyo erayada dhaliisha ah ee ay hawada isku marinayeen dhawaanahan kabtankiisa Pierre Emerick Aubameyang iyo Toni Kroos oo ay xulka Germany kasoo wada tirsanaayeen.Kroos oo ahaa mid hadalka bilaabay ayaa sheegay inuusan gabi ahaanba jeclayn nooca dabaaldeg ee maasgarada wajiga lagu xidhanayo ee uu sameeyo Aubameyang marar badan.Intaas kaddib Auba oo bartiisa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas ayaa sheegay inuusan filanayn in Kroos carruur…
Xulka England Oo Ka Badiyay Markii Ugu Horeysay Xul Aysan 35
Harry Maguire ayaa ka soo kabsaday waqti adag uu ku jiray isagoo gool madax ah u dhaliyay xulka England oo 3-0 ku garaacday xulka Republic of Ireland kulan ahaa mid saaxiibtinimo.Isagoo casaan qaatay kulankiisii ugu danbeysay ee Wembley, Maguire ayaa iska dhaqay ceebtaas isagoo kubad madax aheyd hogaanka ugu dhiibay xulka England.Xiddiga ku dhibtoonaya Borussia Dortmund xilli ciyaareedkan ee Jadon Sancho ayaa qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay England isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee England ee muddo ka badan…
Isku Aadka Wareega Group-yada EURO 2020 Oo La Dhameystiray &
Scotland, Hungary, Slovakia iyo North Macedonia ayaa ka soo baxay kulamada kala baxa ee la ciyaaray xalay oo Khamiis aheyd iyagoo xaqiijistay booskooda 24ka kooxood ee tartanka dib loo dhigay ee Euro 2020.22 sannadood ka dib ayay xulka Scotland u soo baxeen koobka Qaramada Yurub ka dib markii ay rigoore uga soo talaabsadeen xulka Serbia iyadoo 90kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.Scotland ayaa ciyaarta ku hogaamineysay 1-0 ka dib gool uu u saxiixay Ryan Christie laakiin Luka Jovic ayaa waqtigii dhimashada…
Jurgen Klopp Oo Go’aan Ka Gaartey Suuqa Iibka Bisha January
Liverpool ayay ku habsatay musiibo dhaawacyo ah oo khadka dambe ee difaaca ah, waxaana mar kaliya is-wada raacay saddex ciyaartoy oo hal mar garoonka soo wada geli jiray.Labadii difaac dhexe ee Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ayaa ku daayay oo xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya, sidoo kale Alexander-Arnold ayaan garoomada lagu arki doonin ilaa dhamaadka bisha December.Boosaska ugu daran ayaa ah difaacyada dhexe ee Joe Gomez oo ka daba tegay Van Dijk oo bishii hore dhaawacmay, isla markaana aan dib ugu soo laaban doonin xili…
Kooxda Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Spain Ee LaLiga Oo La
Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa loo saadaaliyey in aanay labada kooxood ee waaweyn ee Barcelona iyo Real Madrid midkoodna calfan doonin oo uu farahooda ka bixi doono.Sida ay muujisay codbixin uu qaaday wargeyska Marca, akhristeyaal kumanyaal ah oo saadaashooda dhiibtay ayaa waxay intooda badani isku raaceen in Real Madrid aanay awood u yeelan doonin inay difaacato koobka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay, sidoo kalena ay Barcelona faro madhan la hoyan doonto xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah.Atletico…
Xiddigii Ugu Wanaagsanaa Koox Walba Oo Premier League Ah
Siddeed kulan ayaa la ciyaaray horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League marka laga reebo dhawr kooxood oo min hal kulan baaqi u tahay, waxaana muddadaas bandhig fiican sameeyey xiddigo lama filaan ahaa halka kuwo waaweyn oo la filayay inay wacdaro dhigaanna ay aamusnaan ku jiraan.Ciyaaryahanadda oo kaliya maaha, balse waxa iyaguna badhtamaha miiska kala-sarraynta fadhiya naadiyo waaweyn sida Manchester City iyo Arsenal, halka Manchester United ay kasii hoosayso, taas beddelkeedana Leicester City oo fadhida halka ugu…
MACA-SALAAMA!! Joe Gomez Oo Qalliin Lagu Sameeyey & Xili
Joe Gomez ayaa lagu sameeyey qalliin guuleystay kaddib dhaawacii kasoo gaadhay tababarkii uu la sameynayay ciyaartoyda xulka qaranka England maalintii Arbacada, waxaanu garoomada ka maqnaan doonaa muddo aan la cayimin oo lagu sheegay in aanu xili ciyaareedkan oo dhan garoomada kusoo laaban doonin.Liverpool ayaa xaqiijisay in la qalay difaaceedan Khamiistii maanta kaddib dhaawacii jilibka kasoo gaadhay.Kooxdu waxa kale oo ay shaacisay in dhaawacani kusoo gaadhay shil oo isagoo kalidii ah uu dhulka ku dhacay, iyadoo aanay cid…
Tirada Xiddigaha Uu Korona Fayras Ku Dhacay Iyagoo
Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga ugu magaca weyn ee uu illaa hadda ku dhacay Korona Fayras isaga oo ku maqan xulka qarankiisa Portugal, waxaanay taasi madax xanuun ku keentay kooxdiisa oo muddo 19 maalmood ah uu uga maqnaa xanuunkan, laakiin haddana kalidii maaha.Tiro ciyaartoyda horyaalka Premier League ah ayaa guryahooda lagu ooday markii uu xanuunku haleelay iyagoo waddamadooda ugu maqan ciyaaraha qaramada, gaar ahaan tartamada UEFA Natioins League. Waxaaba kasii daran in ciyaartoy badan uu Covid-19 ugu dhacay kulamo…
Thiago Silva Oo Sheegay LABADA Daafac Ee “Professors-ka” Ah
Daafaca dhexe ahna ruug-caddaaga ree Brazil iyo kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa ka hadlay laba daafac dhexe oo tusaale uga soo ahaa kubadda cagta xilli uu ku dhaw yahay dhammaadka xirfadiisa.Thiago Silva ayaa hadda ku maqan waajibadkiisa qaran ee xulka Brazil waxaana uu hada ka hadlay xirfadiisa ciyaareed iyo arrimo badan oo ku saabsan.Silva ayaa sheegay in dal kastaa uu leeyahay hab gaar ah oo uu kubadda cagta u arko balse uu isagu kusoo koray waxbadana kusoo bartay ciyaaryahan ahaan dalka Talyaaniga oo aad looga…