Edinson Cavani Oo Sharraxay Sababtii Uu Manchester United

Edinson Cavani waxa uu wada-hadallo la yeeshay labada kooxood ee Real Madrid iyo Juventus ka hor intii aanu go’aansanin inuu ku biiro Manchester United.

Cavani oo si xor ah uga tegay Juventus bishii June markii uu heshiiskiisu dhamaaday isagoo usoo qaaday lix horyaal, koobab kale oo maxalli ah, ku dhowaad 200 goolna u dhaliyey 301 ciyaar oo uu u saftay, ayaa waxa loo badinayay inuu tegi doono Real Madrid ama Juventus.

Laakiin Manchester United ayaa dalab qanciyey hor dhigtay, taas oo keentay inuu hoosta dhigo dalabyadii uu ka haystay kooxaha kale, si degdeg ahna ugu soo dhaqaaqay Old Trafford.

Warbaahinta ESPN ayaa ka hor intii aanu Cavani u saxeexin Man United, waxay sheegtay in Juventus ay u bandhigtay heshiis laba sannadood ah oo uu xili ciyaareed kasta mushahar ahaan ugu qaadan lahaa €8 milyan oo Gini. Sidaas oo kale, Real Madrid ayaa miiska la fadhiisatay oo ay ka wada xaajoodeen mushaharkiisa iyo tirada sannadaha uu u ciyaari doono.

Edinson Cavani ayaa go’aankiisu noqday inuu Manchester United u dhaqaaqo kaddib markii loo sheegay inuu xidhan doono No.7 isla markaana mushaharkiisa iyo qandaraaska kale ee muddada uu Old Trafford joogo ay yihiin kuwo qanciyey, taas oo ay usii dheerayd sumcadda ay kooxdu ku leedahay dunida.

Cavani oo sababtii uu ku doortay Man United sharraxaya ayaa yidhi: “Manchester United waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida, sidaa darteed, sharaf ayay ii tahay inaan halkan joogo.

“Si adag ayaan u shaqeeyey waqtigii ciyaaraha xidhnaayeen, waxaanan dareemay inaan diyaar u ahay inaan ku tartamo oo aan metelo kooxdan cajiibka ah. Waxa aan rajaynayaa inaan taariikh yar ku qori doono buugga kubadda cagta, waana sababtan midda yoolkaygu isku midka u yahay mar walba, waana shaqo, shaqo, shaqo.”

Intaa kaddib ayuu sii sharraxay wixii ay tababare Ole Gunnar Solskjaer is yidhaahdeen markii ay wada hadleen, waxaanu yidhi: “Waxa aan wada-hadal la yeeshay tababaraha, waxaanay tani sii kordhisay damacayga ah inaan xidho shaadhkan quruxda badan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More