Maxaa Ku Dhacay, Halkee Ayayse Ku Dambeeyeen 25kii Da’yar Ee

Laga soo bilaabo sannadkii 2010, Lionel Messi ayaa ahaa halbeegga lagu cabbiro ciyaartoyda soo baxaysa ee laga arko inay leeyihiin hibo ciyaareed, waxaana tobankaa sannadood ee lasoo dhaafay dunida soo maray 25 laacib oo da’yar cajiib ahaa oo lagu sifeeyey inay yihiin ‘xiddigaha xiga Lionel Messi’.

Xiddiga Barcelona ayaa taariikh qurux badan uga tegaya kubadda cagta, waxaanu kusoo guuleystay lix Ballon d’Or iyadoo uu yahay laacibka ugu guulaha badan biladda xiddiga adduunka, taas oo ka dhigaysa mid looga tusaale qaato ciyaartoyda wanaagsan.

33 jirkan oo xataa marka uu kubadda ka fadhiisto ay hubaal tahay inuu raadkiisu sii jirayo, uuna sii ahaan doono halbeegga cabirka ciyaartoyda xirfadda fiican soo bandhiga, si la mid ah Pele iyo Diego Maradona, waxa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey raadkiisa inay raacayaan laga dareemay 25 ciyaartoy oo marka ay garoomada ku jiraan ay daadihiyeyaasha qaarkood ku tilmaami jireen inay yihiin ‘Lionel Messi-ga cusub’.

Laakiin dhamaantood waxay ku fashilmeen inay raacaan raadka laacibkan, iyadoo qaarkood ay xataa isku muujin waayeen fagaareyaasha kooxaha waaweyn oo ay ka dheelaan horyaallo kale.

Pedo oo ay Lionel Messi kasoo wada baxeen kulliyadda Barcelona ee La Masia ayaa ka mid ahaa ciyaartoydaas, sidoo kalena Neymar Jr oo ay wada abuureen xiddiga reer Argentina saddexlayda MSN oo uu ku wehelinayay Luis Suarez ayaa waxa kale oo kula biiraya liiskan Philippe Coutinho oo ugu dambayn ay isku koox joogaan.

Alexis Sanchez oo waqti uu Barcelona joogay fashil uu ugu soo dhamaaday, laakiin isku muujiyey Arsenal, Christian Erisken iyo laacibiin kale oo khadka dhexe ka ciyaartay ayaa iyaguna ku jira liiska 25kan laacib.

Erik Lamela, Pabli Piatti, Nico Gaitan iyo Eudardo Salvio oo ay dhamaantood isku waddan yihiin Lionel Messi ayaa iyaguna ku jiray liiska laacibiintan.

Keylor oo goysmadiisu layaab ahayd, si fududna u dhaafi jiray ciyaartoyda ayaa wariyeyaashu ay ugu yeedhi jireen midka beddelaya Lionel Messi.

Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee lagu tilmaamay ‘Lionel Messi-ga cusub” iyo kooxaha ay hadda joogaan:

Pablo Piatti (Toronto FC)

Giannis Fetfatzidis (Al-Khor SC)

Sebastian Giovinco (Al Hilal)

Neymar (Paris Saint-Germain)

Erik Lamela (Tottenham Hotspur)

Nicolas Lodeiro (Seattle Sounders)

Philippe Coutinho (Barcelona)

Frank Acheampong (Tianjin Teda)

Jose Baxter (Memphis 901 FC)

Christian Eriksen (Inter Milan)

Bojan Krkic (Montreal Impact)

Jean Carlos Chera (Retired)

Diego Buonanotte (Universidad Catolica)

Eduardo Salvio (Boca Juniors)

Alexis Sanchez (Inter Milan)

Reimond Manco (Binacional)

James Rodriguez (Everton)

Matias Defederico (Club Agropecuario Argentino)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More