20 Doolar Ma Ku Daawan Laheyd Kulan Premier League? Kooxaha
Taageerayaasha kubada cagta ee dalka Ingariiska ayaa si weyn uga careysan go’aanka ay kooxaha Premier League ku gaareen in kulan walba lagu daawado lacag gaareysa 14.95 ginni oo u dhiganta 20 doolar.
Halyeeyga Man United Gary Neville ayaa ku tilmaamay talaabada ay qaadeen kooxaha Premier League mid aad u xun halka taageerayaasha Ingariiska ay sheegeen inay tani la micno tahay in kubadii cagta ay dhimatay.
Taageerayaasha ayaa lagu qasbi doonaa in lacag ku daawadaan kulamada aysan baahin doonin Sky Sports iyo BT Sport.
Manchester United iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha ugu horeeyay ee loo xushay in lacag lagu daawado kulamadooda.
Lacagaha laga qaado taageerayaasha waxaa la siin doonaa kooxaha iyadoo qidmad yar ay la hari doonaan maamulka Premier League.
Dalka Ingariiska waxaa sharci ka ah inaan kulan walba TV laga baahinin iyadoo Sky Sports iyo BT Sport oo xaq u leh baahinta horyaalka ee gudaha UK ay baahin karaan kaliya tiro kooban isbuuc walba.
Sababta loo diiday in kulan walba TV-ga laga baahiyo ayaa aheyd in taageerayaasha lagu dhiirogeliyo inay garoomada xaadiraan bedelkii ay TV-ga ka daawan lahaayeen.
Madaama haatan aysan taageerayaasha aadi karin garoomada Korona Fayras darteed islamarkaana kooxihii ay waayeen dhaqaalihii ka soo geli jiray taageerayaasha, waxay doorbideen in kulan walba la daawan karo balse lagu daawado lacag si ay kooxaha u helaan lacagtii ka soo geli jirtay garoomada.
Wadamada kale ee aan aheyn UK, taageerayaasha waxay daawan karaan kulan walba oo ay baahinayaan TV-yada xuquuqda u leh dalalkaas inay ka baahiyaan horyaalka Premier League.
Laakiin haddii aad ku noosashay UK islamarkaana kulanka aad rabto aan laga baahineynin Sky Sports ama BT Sport waxaad ku qasban tahay inaad bixiso 20 doolar si aad u daawato kulankaas.
Halyeeyga Man United Neville ahna khabiir Sky Sports u shaqeeya ayaa Twitter ku soo qoray: “Waa talaabo xun oo ay qaadeen Premier League inay taageerayaasha ka qaadaan 14.95 ginni kulamo ay si bilaash ah ku daawanayeen muddo lix bilood ah”
Qof kale ayaa soo qoray: “14.95 ginni oo lagu daawado kulan. Waan ku faraxsanahay inaan aragnay waxyaabaha ay muhiimada siinayaan kooxaha. Waxay aheyd inay ka shaqeeyaan sidii ay taageerayaasha ugu soo laaban lahaayeen garoomada. Kubada cagta waa ay dhimatay”