Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Ciyaaryahanadda Arsenal Oo Si Carro & Qeylo Leh Iskula Hadlay Ka

Ciyaaryahanadda Arsenal ayaa hadalo kulul isweydaarsaday kulan ay kooxda yeelatay oo la doonayay in ciyaartoyda ay isku sheegaan wixii ay isku qabaan si meesha looga saaro qilaafaadka ciyaartoyda dhexdooda ka jira.Arteta ayaa doonayay in ciyaartoydiisa ay midnimo muujiyaan ka hor kulanka adag ee ay Axada la ciyaarayaan kooxda ay deriska yihiin ee Tottenham.Arsenal ayaa dhibaato ku jira xilli ciyaareedkan iyagoo ku jira kaalinta 14aad ee Premier League madaama ay badiyeen afar ka mid ah 10kii kulan ee ugu horeysay.Ka dib…

Halyeey Sheegay In Arsenal Ay Ka Badin Karto Tottenham

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa sheegay in Mikel Arteta ay qasab tahay inuu keyd geliyo Willian haddii ay kooxdiisa hore fursad u heysato inay ka badiso Spurs Axada.Xiddiga reer Brazil ayaa si lama filaan ah isaga kala gooshay London isagoo ka soo wareegay Chelsea suuqii kala iibsiga xagaaga.Wuxuuna ku dhibtooday inuu helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican tan iyo markaas isagoo dhaliyay kaliya hal gool sagaal kulan uu saftay.Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa sheegay in haddii ay Arsenal dooneyso inay guul ka gaarto kulanka…

Lixda Kooxood Ee Uu Kylian Mbappe Ku Biiri Karo Madaam Uu

Real Madrid iyo Liverpool ayaa hogaaminaya kooxaha u tartamaya saxiixa xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.Sida ay sheegayaan khabiirada suuqa kala iibsiga labada kooxood ee ka dhisan Spain iyo England ayaa ah kuwa ugu cadcad inay la soo wareegaan xiddiga Faransiiska.Real Madrid ayaa ah kooxda koowaad ee lala xiriirinaya Mbappe kuwaasoo isku dayaya inay u dhaqaaqaan soo xerogelintiisa bisha Janaayo halka Liverpool ay ku xigta dhanka xiisaha.Barcelona oo lacag yari baahsan ay heyso ayaa iyadana rajo ka qabto saxiixa…

10ka Kooxood Ee Ugu Sareeya Yurub – Liverpool Oo U Hooseysa

Liverpool oo ah kooxda difaacaneysa koobka Premier League ayaa kaliya sannad ka hor ku guuleysatay koobka Champions League.Laakiin inkastoo ay taasi dhacday hadana UEFA ayaa ku heysa kooxda Jurgen Klopp kaalinta 10aad ee qiimeynta kooxaha Yurub iyagoo ka danbeeya Man United.Reds waxay gaartay finalka Champions League sannadkii 2018 iyadoo guuldarro ay ka soo gaartay Real Madrid ka hor inta aysan qaadin Dhega Weyne sannadkii ku xigay.Xilli ciyaareedkan waxay u soo gudbeen wareega 16 Champions League.Inkastoo ay guulahaas…

Saxafi Taleefan Toos Ugu Wacay Mulkiilaha PSG, Arrimaha

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser El Khelaifi ayaa diiday inuu ka faaloodo wax ku saabsan wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo aan mustaqbalkiisu dhawaanahan ahayn mid lugo adag ku taagan.Wararka xanta ah ayaa yimid kaddib markii Neymar uu guushii Man United kaddib sheegay inuu aad u doonayo inuu markale la ciyaaro Lionel Messi oo uu filayo inay sidaasi dhici doonto xilli ciyaareedka dambe.Saxafiga ree France ee Cyril Hanouna ayaa sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo…

Liverpool Oo War Wanaagsan Ka Helaysa Saddex Xiddig Oo Ka

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xog cusub kasoo saaray xaalada xiddigaha kooxdiisa dhaawaca kaga maqan ee Trent Alexander Arnold, Naby Keita iyo Alex Oxlade Chamberlain.Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan kusoo dhibtootay dhaawacyo saameeyay inta badan xiddigaheeda muhiimka ah iyadoo lamaanihii daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ay adagtahay inay markale xilli ciyaareedkan ciyaaraan.Sidoo kale Naby Keita iyo Alexander Arnold ayaa seegay kulamo dhawr ah muddooyinkan ugu dambeeyay balse haya wadadii…

Premier League Oo Ku Dhawaaqay Afar Tababare Oo Ku Tartami

Maamulka horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska afar macalin oo ku tartami doona abaalmarinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii ina dhaaftay ee November.Afarta tababare ee tartami doona ayaa kala ah Ole Gunnar Solskjaer oo Man United ah, dhigiisa Chelsea ee Frank Lampard, Jose Mourinho oo Tottenham ah iyo David Moyes oo wakhti fiican ku qaadanaya West Ham United.Jose Mourinho ayaa afar kulan oo bishaas ah saddex guulood iyo hal bar-bardhac u keenay Tottenham waxaana kamid ahaa kulan ay guul…

Miyuu Thomas Partey Diyaar U Yahay Kulanka Adag Ee

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday fursada khadka dhexe ee kooxdiisa ee Thomas Partey uu u haysto inuu ka qayb qaato kulanka adag ee ay Axada la yeelan doonaan dhigooda Tottenham ciyaarta North London Derby.Saxeexii xagaaga ee Arsenal ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Aston Villa guuldarrada kala soo kulmeen bishii hore waxaana uu maqnaa tan iyo wakhtigaas.Thomas Partey ayaa seegay dhammaan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ciyaartay iyadoo kooxdiisu ay mudadaas hal dhibic kasoo heshay…

Shaqsi U Dhaw Diego Maradona Oo Aan Wali Loo Sheegin

Tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina ee Carlos Bilardo ayaan wali loo sheegin oo aan waxba ka ogayn geerida xiddigiisii hore ee Diego Maradona oo dhawaan da’da 60 sano jir ku qudh baxay.Bilardo ayaa ahaa tababarihii Argentina ee koobkii aduunka ee 1986 markaas oo ay kusoo wada guuleysteen tartanka oo lagu qabtay dalka Mexico, sidoo kale xilli ciyaareedkii 1992/93 ayuu kusoo layliyay kooxda Sevilla.Walaalka Bilardo oo lagu magacaabo Jorge ayaa sheegay dhawaan inaysan u sheegin wali warka naxdinta leh ee ah geerida Mara…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More