Shanta Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsan Champions League

Waxa xog lagu muujiyay shanta weeraryahan ee ugu wanaagsan tartanka UEFA Champions League qarnigan 21-aad iyadoo uu boos lama filaan ah soo galay Neymar Jr halka ay sidoo kale ka dhex muuqdaan xiddigaha jiilkan ugu wanaagsan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Tan iyo bilawgii qarnigan 21-aad, xiddiga ugu fiican xog ahaan dhinaca weerarka Champions League ayaa noqday kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

Dabcan Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan Champions League balse tiro-koobkan ayaa ka hadlaya tirada goolasha iyo caawinta uu ciyaaryahanku tartankaas ka sameeyay iyo waliba kulamada uu ku sameeyay.

33 sano jirka Barcelona ayaa 117 gool iyo 41 caawimo kasoo sameeyay 145 kulan oo uu kasoo ciyaaray tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed taas oo ka dhigan inuu cel-celis ahaan kulan kasta 1.18 gool ka qayb qaatay.

Booska labaad ayuu si lama filaan ah usoo galay Neymar oo ay Messi Barcelona hore asxaab ugu ahaayeen walow uu in badan ka kulamo yar yahay Messi iyo Ronaldo.

Ney ayaa kaliya 62 kulan oo Champions League ah u ciyaaray Barcelona iyo Paris Saint-Germain isaga oo 35 gool iyo 29 caawimo soo sameeyay mudadaas taas oo ka dhigan inuu 1.12 gool ka qayb qaadanayay kulan kasta.

Ronaldo oo ah gool dhaliyaha abid ugu sarreeya CL ayaa 170 kulan oo uu soo ciyaaray 130 gool iyo 46 caawimo kusoo sameeyay, 35 sano jirkaas ayaa cel-celis ahaan 1.08 gool kasoo qayb qaatay kulan kasta.

Liiska Oo Sawir Ah

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More