“Anigu Waxaan Sergio Ramos Ka Dhigaa Mid Fiican Isaguna…….”

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa ka hadlay kabtankiisa ay lamaanaha ku yihiin booskaas ee Sergio Ramos iyo sida ay isku caawiyaan marka ay garoonka ku wada jiraan.

Waxa xusid mudan in Los Blancos ay yihiin kuwo aad u dhibtooda marka uu Ramos ka maqan yahay gaar ahaan tartanka Champions League oo ay sanadihii ugu dambeeyay rekoodh madaw ku lahaayeen ciyaaraha uu seego.

Dad badan ayaa aaminsan inuu Sergio Ramos yahay mid xiddigaha ku hareeraysan oo dhan ka dhiga kuwo wanaagsan oo astura isla markaana uu shaqsiyaadkaas ugu horreeyo Raphael Varane.

Varane oo kahor kulanka ay soo dhawaynayaan Inter Milan ka hadlay arrimahaas ayaa sheegay inuu isagu Ramos ka dhigo mid siduu yahay ka fiican oo uu Ramos-na isaga ka dhigo mid sida uu yahay ka wanaagsan oo ay is caawiyaan.

Sidoo kale daafaca ree France ayaa xusay inay daafacashadu tahay in kooxdu ay wadajir u difaacato balse aysan ku xidhnayn shaqsiyaad gaar ah.

“Anigu waxaan dareemaa raaxo badan marka aanu in badan wadajir u difaacano” ayuu ugu horreynba yidhi Raphael.

“Marka aysan kooxdu si wanaagsan u difaacan waa inaanu daafaca ka samayno go’aano adag, waa run in aanaan ahayn kuwo wanaagsan la’aanta Sergio kulamada Champions League laakiin waa arrin anaga oo dhan na khusaysa, anigu waxaan isaga ka dhigaa mid wanaagsan isaguna aniga waxa uu iga dhigaa mid wanaagsan, laakiin difaacashadu waa arrin wada jir ah”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More