Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Argentina Oo Ilbidhiqsigii Ugu Dambeeyey La Niyad-jabiyey, Neymar Oo

Xulka qaranka Argentina ayaa niayd-jab la kulmay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ee ay xalay la ciyaareen Colombia, kaas oo ay iska lumiyeen guul gacanta ugu jirtay.Argentina ayaa shabaqa soo taabatay daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta, shan daqiiqadood  kaddibna gool labaad ayay ku dareen iyadoo ciyaartuna ahayd 2-0 illaa laga soo gaadhayey qaybtii dambe xilli ciyaarta ka hadhsanaayeen 29 daqiiqadood oo kaliya.Difaaca kooxda Manchester United ay sida weyn u raadinayso ee…

Karim Benzema Oo Dhaawac Soo Gaarey Laba Maalmood Ka Hor Tartanka

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dhaawac lagaga saaray qaybta hore ee kulankii saaxiibtinimo ee xalay ay la yeesheen Bulgaria, kaddib markii uu jilibka wax ka noqday, isla markaana uu dalbaday in la beddelo.Xiddigan dhowaanta dib loogu soo celiyey xulka France oo lix sannadood uu ka maqnaa ayaa rajaynayay in uu ciyaaro tartanka qaramada Yurub oo laba maalmood oo kali ahi ay ka hadhsan tahay waqtiga uu bilaabmayo, hase yeeshee waxa hadda uu mugdi ku jiraa  haddii uu awoodi doono inuu ciyaaro.Maanta oo Arbaco…

DEEQSI: Ilkay Gundogan Oo Muujiyey Deeqsinimadiisa & Cidda Qalbigiisa

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa ku deeqay gunnadiisii hanashada horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, taas oo uu siiyey cid qalbigiisa ku weyn oo baahi u qabtay.Ilkay Gundogan oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badnaa Man City xilli ciyaareedkan, ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay xarunta tababarka xulka qaranka Germany ee ay iskugu diyaarinayaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Kaddib guushiisii xilli-ciyaareedkan, Ilkay Gundogan ayaa dib u xasuustay kooxdii…

Mushaharka Ciyaaryahanadda Xulka Qaranka England, Xiddigaha Dulman Iyo

Mushaharka ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa lasoo bandhigay, waxaana ka muuqda farqi weyn oo u dhexeeya ciyaartooyo kala wanaagsan oo kuwooda liita ay mushahar waalli ah qataan.26ka ciyaartoy ee tababare Gareth Southgate uu u xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, ayaa waxay warbaahinta Ingiriisku soo bandhigtay mid walba mushaharka uu ka qaato kooxdiisa.Phil Foden ayaa ah ciyaartoyga labaad ee guud ahaanba ciyaartoyda xulka qaranka England ugu mushaharka yar, waana…

WARBIXIN: 20ka Gool-dhaliye Ee Heerka Sare Ah Ee Ka Qayb-gelaya Euro,

Bobby Lewandowski iyo Kylian Mbappe ayaa hoggaaminaya xiddigaha weerarka ee ugu wanaagsan ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya, kaas oo ay sidoo kale ku wehelinayaan 18 ciyaartoy oo kale oo qaab wanaagsan ku jira.Bal ka fikir cidda ku guuleysan doonta abaal-marinta kabta dahabka ah ee tartanka qaramada Yurub? Waa xiddig ka caawin doona dalkiisa in ugu yaraan uu meelaha dambe soo gaadho.Qiimayn lagu sameeyey dhaliyeyaasha ugu wanaagsan ee ka  qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaa tiradooda laga dhigay…

Ronaldo, Modric, Neuer: Xiddigaha Ugu Da’da Weyn Euro 2020 Ee Aanad

Shan sannadood ayaa la sugayay tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya. Sharciga ayaa qoraya in afartii sannadoodba hal mar la qabto, laakiin aafadii Fayraska Korona ayaa sababtay in sannadkii hore uu dib u dhaco oo hadda la ciyaaro, waxaanay taasi keentay in ciyaartooyo aan fursad u heleen sannad ka hor ay hadda ku jiraan waddamadooda oo la filayo inay wacdaro dhigaan.Tusaalaha ugu fiican ee Phil Foden oo ka mid ah xiddigaha England isku hallaynayso ee soo baxay sannadkii u dambeeyey iyo Karim Benzema oo tababare…

how Les Parisiens could line up next season

There has been a lot of discussion recently about how most clubs will fight to make big money in this summer's transfer market - Paris Saint-Germain is not "most clubs".Ligue 1 outfits are seemingly unharmed by the impact that coronavirus has had on their economy and are pushing forward with their transmission business as if they were funded by an entire state - very strange, we know.Speculation about Mauricio Pochettino's possible departure seems to have disappeared recently, but no matter who is in the hot seats, PSG will…

Rio Ferdinand Oo Xushay Shaxda Xulka Qaranka England Ee Kulanka

Rio Ferdinand ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee xulka qaranka England uu ku ciyaari karayo kulankooda ugu horreeya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha ka bilaabmaya waddanka Talyaaniga, kuna soo dhamaanaya magaalada London ee waddanka Ingiriiska bil kaddib.England ayaa tartanka ku furanaysa Croatia oo ay Axadda wada ciyaari doonaan, waxaanay doonayaan inay ka aarsadaan sababtoo ah Croatia ayuu ahaa dalkii wareegga semi-finalka ku garaacay England Koobkii Adduunka 2018.Xulka qaranka England oo ay isku hormo yihiin Scotland,…

FADEEXAD: Xiddig Afrikaan Ah Oo Been Ka Sheegay Magaciisa & Da’diisa

Kooxda kubadda cagta Stuttgart ee ka dhisan waddanka Germany ayaa daboolka ka qaadday in xiddigeeda weerarka ee ugu goolasha badnaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2020-21 uu isticmaalayay magac been ah.Weeraryahanka reer Congo ee Silas Wamangituka ayaa qaaradda Yurub tegay sannadkii 2017 isagoo u ciyaaray kooxda yar ee Ales, waxaana uu usii dhaafay Paris FC sannad kaddib.Stuttgart ayaa Silas Wamangituka waxay kasoo iibsatay Paris FC sannadkii 2019 isagoo u saxeexay heshiis shan sannadood ah, laakiin kooxda ayaa hadda…

AFART Meelood Ee Thomas Tuchel Uu Ka Xoojinayo Chelsea Oo La Tilmaamay

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu afar ciyaartoy kusoo kordhiyo kooxdiisa inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, waxaana mudnaanta koowaad u ah weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland.Roman Abramovich ayaa go’aansaday in uu Tuchel gacanta ka geliyo boqollaal milyan oo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan kaga soo adeegto, kaddib guulihii uu tababaraha reer Germany gaadhsiiyey kooxda lixdii bilood ee uu macallinka u ahaa.Tuchel oo Chelsea la wareegay iyadoo kaalinta sagaalaad ku jirta…