Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

WARBIXIN: Waa Kuwan SHANTA Ciyaartoy Ee Ay Liverpool Iyo Jurgen Klopp

Liverpool ayaan la filayn inay lacag badan ku bixiso suuqa xagaaga ee sanadkan balse saxeexa weeraryahan cusub ayaa la sheegayaa inay muhiimada koowaad u tahay kooxdaas.Wargeyska Express Sport ayaa soo bandhigay magacyada shan ciyaaryahan oo ay Liverpool u dhaqaaqi karto isla markaana ay ku qiimayn karto bandhigooda tartanka Euro ee dhawaan bilaabmaya.Xiddiga koowaad ayaa ah Jeremy Doku oo xulka Belgium meteli doona, 19 sano jirkaas ayaa qarka u fuulay inuu Liverpool ku biiro sanadkii 2018 kaddib markii uu xeradeeda…

I Ciyaarsii Ama Iska Kay Fasax!! – Xiddig Arsenal Ah Oo Runta U

Xiddiga boosaska badan ka ciyaari kara ee Ainsley Maitland Niles ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aankiisa la wadaagay tababaraha kooxdiisa Arsenal ee Mikel Arteta.Maitland-Niles ayaa amaah loogu diray West Bromwich Albion qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore balse awoodi waayay inuu kasoo caawiyo Baggies inay horyaalka baaqi ku ahaadaan.Maitland-Niles oo wakhtigaas loo arkayay mid dheeri ku ah baahida Arsenal ayaa xagaaga kusoo laabanaya Arsenal isaga oo dhawaan qirtay inuusan wax war ah ka helin tababare Arteta iyo…

“Kylian Mbappe Ayaa Ah Xiddiga Ugu Fiican Ee EURO Ciyaaraya, Waxa Ugu

Daafaca midig ee xulka Talyaaniga ee Alessandro Florenzi oo xilli ciyaareedkii dhammaaday qaab amaah ah ugu soo qaatay Paris Saint-Germain ayaa saaxiibkiisii kooxdaas ee Kylian Mbappe ku sifeeyay xiddiga ugu fiican ee Euro ciyaaraya sanadkan.Hadalka Florenzi ayaa ah mid uu iskaga indho-tirayo xiddigo waaweyn oo kale sida Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski, Karim Benzema iyo kuwo kale oo badan.Dhinaca kale daafaca Talyaaniga ah ayaa qaba in xulka France uu yahay midka ugu cad cad ku guuleysiga koobka maadaama oo uu kusoo…

GO’AAN WEYN: Erling Haaland Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo Inuu Ku Biiro

Sida uu sheegayo wargeyska Telegraph, weeraryahanka kooxda Chelsea ee Erling Haaland ayaa laga iibiyay aragtida ah inuu ku biiro kooxda Chelsea isla markaana si buuxda ugu qancay.Tartanka ka dhaxeeya kooxaha waaweyn ee Yurub ee ay ku doonayaan saxeexa Haaland ayaa ah mid soconaya, kooxda kusoo guuleysatay Champions League ayaa ah mid ay ka go’antahay inay helaan.Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa diyaar la ah waxkasta oo macquul ah si uu Haaland ugu soo daro safka tababare Thomas Tuchel.Sida ay sheegayaan wararka…

Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Arbaco Ah Oo

Tababarihii hore ee Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa qarka u saaran in loo magacaabo macallinka Crystal Palace. (Telegraph)Manchester United ayuu haystaa walaac isasoo-taraya oo ku saabsan xiddigeeda khadka dhexe ee Pauul Pogba oo si bilaash ah kaga tegi karaya xagaaga dambe. United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxeexdo Pogba laakiin 28 jirkan ayaan wali ogolaanin. Real Madrid, Juventus, Barcelona iyo Paris St-Germain ayaa dhamaantood doonaya Pogba. (ESPN)Atletico Madrid ayaa u bandhigtay Manchester City qorshe ay…

Maxay Ahayd Arrintii Ku Saabsanayd Sergio Aguero Ee Guardiola U

Pep Guardiola ayaa sii sagootiyey Sergio Aguero isagoo ilmaynaya, waxaana uu sheegay inuu ka tegayo xiddig aanay waligood heli doonin beddelkiisa, iyadoo uu waliba laacibkanna tegay kooxdii Pep Guardiola uu tababarenimada kasoo unkay ee uu ciyaartoygana ka ahaa Barcelona.Sergio Aguero ayuu aabbihii sheegay, in oohintii Pep Guardiola ay ahayd ‘ilmada yaxaaska’ oo uu been la ooyey, xilli ay suuqa ku jirto in tababare Pep Guardiola uu ku qasbay Aguero inuu ka tago kooxda oo aanu kordhin qandaraaskiisa.Guardiola ayaa beeniyey…

Copa America Oo La Kansalayo, Waqtiga Go’aanka U Dambeeya La Gaadhayo

Madaxweynaha maxkamadda sare ee dalka Brazil (STF) ee Luiz Fux ayaa aqbalay codsi uga yimid wasiir Carmen Lucia oo ka dalbaday in go’aan laga gaadho tartanka Copa America ee dalkaasi martigelinayo.Wasiirka ayaa codsiga uu u gudbiyey maxkamadda waxa uu ku sheegay, in ay tahay inay joojiso in dalkaasi martigeliyo tartanka Copa America oo dhowaan xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL uu u wareejiyey Brazil, kaddib markii ay ka cudur-daarteen Argentina iyo Colombia oo hore loogu doortay in lagu qabto.Fayraska Korona…

Zinedine Zidane Oo La Wareegaya Kooxdii Uu Mar Kale Dunida Ku Qabsan

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa u dhaqaaqaysa tababaraha reer France ee Zinedine Zidane oo dhowaan iska casilay Real Madrid oo uu eedaymo na usii jeediyey Florentino Perez, waxaanu beddelayaa Mauricio Pochettino oo dalbaday inuu iska tago.PSG ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey aan marnaba ka maqnaan warbaahinta ciyaaraha, waxaana inta badan la hadal hayay Mauricio Pochettino oo lix bilood joogay kooxdaas, laakiin doonaya in uu iska tago, isla markaana ku laabto kooxdiisii hore ee Tottenham.Pochettino oo bishii January loo…

Bilyaneerka Reer Sweden Ee Daniel Ek Oo Mar Kale Dalab Ka Gudbinaya

Bilyaneerka reer Sweden ee Daniel Ek ayaa mar kale isku diyaarinaya in uu dalab ka gudbiyo kooxda kubadda cagta Arsenal oo uu doonayo in uu iibsado, waxaanu sare u qaaday lacagtii uu markii hore usoo bandhigay mulkiileyaasha kooxdaas.Daniel Ek oo taageere weyn u ah Arsenal, ayaa bishii hore ka dalbaday Kroenke in uu ka iibiyo kooxda xilli ay jamaahiirta Gunners wadaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan mulkiilaha Maraykanka ah.Daniel Ek ayaa waqtigaas waxa uu Kroenke usoo bandhigay lacag dhan £1.8 bilyan oo Gini oo uu doonayo…

Premier League Oo Ganaax Ku Ridaya Kooxaha Man United, Man

Lixda kooxood ee waaweyn ee horyaalka Premier League ee Manchester United, Manchester City, Liverpool, Arsenal, Chelsea and Tottenham  ayaa lagu ridayaa ganaax iyo ciqaab sabab la xidhiidha qaybtii ay ka ahaayeen tartankii fashilmay ee European Super League.Manchester United, Manchester City, Liverpool, Arsenal, Chelsea and Tottenham ayaa waxay samaynta European Super League ku ehelinayay Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Inter Milan, AC Milan iyo Juventus, laakiin waxay iskaga baxay qorshahaas sagaal kooxood halka…