Faransiiska Oo Xasuuq Geystay, England Oo Libin Dirti Ah Heshay,

Xulka qaranka England ayaa guul cidhiidhi ah gaadhay Austria oo ay ku martigeliyeen Riverside, kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub ee toddobaad kaddib bilaabmi doona.

Gool uu qaybtii labaad u dhaliyey Bukayo Saka ayaa England ay ku heshay guul u noqonaysa niyad-dhis wanaagsan  oo ay ku tegi doono Euro 2020, waxaana tababare Gareth Southgate ay heleen fursado kale oo ay goolal u beddeli karayeen, halka Austria ay iyaduna khataro badan abuurtay qaybtii dambe oo ay lumisay kubbado goolal loo qaatay.

Kulankan oo Gareth Southgate uu kusii samirsiiyey laacibka uu ka reebay xulka qaranka ee Jesse Lingard oo uu kusoo bilaabay ciyaartan, ayaa qaybtii hore waxay labada xul ku kala baxeen goolal la’aan, hase yeeshee daqiiqaddii 56aad ayaa kubbad uu khadka dhexe kasoo tuuray Jack Grealish waxa soo kaxeeyey Harry Kane oo isaguna sii dhiibay, laakiin difaaca Austria iyo goolhayaha ayaa isku kaashaday in ay joojiyaan, ka hor intii aanay u tegin Saka oo dhinaca bidix taagnaa, isla markaana goolka oo madhan ku hubsaday kubbad aanu isku dhibin. Sidaas ayay England ugu guuleysatay 1-0.

Dhinaca kale, xulka qaranka France ayaa 3-0 ku xasuuqay 10 ciyaartoy oo Wales ah, kuwaas oo uu qayb ka ahaa Gareth Bale oo la beddelay qaybtii dambe isagoon wax badan ku kordhin qarankiisa culayska badan la saaray.

Karim Benzema oo shan sannadood iyo badh ka maqnaa xulka ayaa kusoo bilowday ciyaartan, waxaana daqiiqaddii 26aad kubbad uu goolka ku toogtay gacan ku qabsaday Neco Williams oo kaadh cas oo toos ah la siiyey, halka Karim loo dhigay rikoodhe, hase yeeshee laacibkan ayaa kubadda dhalin waayey, waxaana ka qabtay goolhaye Danny Ward.

Kylian Mbappe ayaa kubbad uu soo tufay Ward, waxa uu geliyey lugta daqiiqaddii 35aad, waxaanu sidaas hoggaanka ugu dhiibay waddankiisa, mana jirin wax goolal ah oo kale oo dhashay qaybta hore.

Antoine Griezmann ayaa gool qurux badan oo uu bannaanka ka toogtay dhaliyey qaybta labaad oo bilow ah ka  hor intii aanu Karim Benzema kubbad uu dhaafiyey goolhayaha aanay soo celin birtu, taas oo uu meel cidlo ah ka helay Ousmane Dembele oo beddel kusoo galay, isla markaana goolka oo madhan ku hubsaday.

Sidaas ayuu Faransiisku 3-0 ku burburiyey toban ciyaartoy oo Wales ah oo isku diyaarinaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha toddobaadka dambe bilaabmaya.

Ciyaar kale oo xiiso lahayd ayaa dhex-martay Germany oo dib usoo ceshaday Thomas Mueller oo sannado ka maqnaa xulka iyo Sweden, waxaanay ku kala baxeen 1-1.

Germany ayaa gool la hormaray daqiiqaddii 48aad, waxaana u dhaliyey Florian Neuhaus ka hor intii aanay Sweden goolka barbarraha helin daqiiqaddii 71aad, waxaana u saxeexay Yussuf Poulsen.

Natiijooyinka kulamadii caalamiga ahaa oo dhamaystiran

England 1-0 Austria

France 3-0 Wales

Germany 1-1 Sweden

Romania 1-2 Georgia

Netherlands 2-2 Scotland

Norway 1-0 Luxenbourg

Bosnia & Herzegovia 0-0 Montenegro

Belarus 1-2 Azerbaijan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More