DAGAAL: Sergio Ramos Oo Isku Diraya Ciyaaryahanadda & Maamulka Real Madrid
Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu iskugu dhufan lahaa ciyaartoyda iyo maamulka, waxaanu ku guubaabinayaa inay ka hor yimaaddaan Madaxweyne Florentino Perez.
Sergio Ramos oo uu qandaraaskiisu dhamaaday ayey wali kooxda isku afgaran la’ yihiin in uu saxeexo qandaraas cusub, waxaana la filayaa in toddobaadyada soo socda si rasmi ah loo ogaado haddii uu ka tegayo Real Madrid iyo haddii uu saxeexayo heshiis cusub.
Laakiin ka hor inta aan la isla gaadhin arrintiisa gaarka ah, Sergio Ramos ayaa ka shaqaynaya arrin kale oo yaableh, waxaanu ciyaartoyda kooxda ka dalbaday in ay ka hor yimaaddaan Madaxweyne Perez oo doonaya in ciyaartoyda kooxdu ay sameeyaan mushahar dhimis.
Sida uu sheegay waroiye Jose Ramon de la Morena oo ka tirsan idaacadda El Transistor, ciyaartoy ka tirsan Real Madrid oo aanu magacaabin ayaa u sheegay, in Sergio Ramos uu ku guubaabinayo ciyaaryahannada kooxda, in ay iska diidaan in ay sameeyaan mushahar dhimis, isagoo ugu marmarsoonaya in ay kooxdu lasoo saxeexanayso Kylian Mbappe oo ay mushahar xad-dhaaf ah siin doonto, halka iyagana dhulka lala dhacayo.
Warkan ayaa soo baxaya xilli ay Real Madrid ka codsatay ciyaartoydeeda in ay ogolaadaan, in 10% hoos loo dhigo mushaharkooda maadaama ay kooxdu ku jiro xaalad dhaqaale oo xun.
Wargeyska Diario AS ayaa qoray, in Real Madrid ay ka dalbatay Sergio Ramos in uu dhimo mushaharkiisa si la mid ah ciyaartoyda kale, laakiin uu iska diiday, xilli qandaraaskiisuna dhamaaday.