Manchester United Oo Diyaarisay Lambarrada Ay Xidhanayaan Raphael

Manchester United ayaa si xooggan u gelaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ay qorshaynaysaa in ay lasoo saxeexato laba illaa saddex ciyaartoy oo isbeddel ku samayn kara safka kooxda, sarena usoo qaada awooddooda, si ay usoo yareeyaan farqiga u dhexeeyey Manchester City xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday.

- Advertisement -

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu kaalinta labaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii hore, sidoo kalena ay finalka Europa League kaga qaadday Villarreal, waxa uu suuqa ugu jiraa in uu soo iibsado dhawr ciyaartoy oo uu rumaysan yahay in ay yihiin kuwa kooxda ka caawinaya in ay horyaalka Premier League ku tartanto.

Weerarka oo ahaa booskii ay ugu baahida badnaayeen ayaa waxay ku xalliyeen Edinson Cavani oo ay u kordhiyeen qandaraaskiisii sannadka ahaa, waxaase ay wali ku raad-joogaan Harry Kane oo aan ahayn mudnaantooda ugu weyn, balse ay ka doorbidayaan saddex meelood oo kale.

Difaaca, khadka dhexe iyo garabka weerarka midig oo marka loo baahdana khadka dhexe soo geli kara ayaa ah saddexda meelood ee uu Solskjaer doonayo in kooxda uu ka xoojiyo inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka cusub ee 2021/22.

Saddexda ciyaartoy ee Raphael Varane, Jadon Sancho iyo Declan Rice ayaa Manchester United ay doonaysaa in ay lasoo saxeexato, iyagoo Varane u arkaya in uu yahay sidii Nemanja Vidic oo kale oo uu tayadooda khadka dambe sare usoo qaadi doono haddii ay is helaan Harry Maguire.

Raphael Varane ayay Manchester United u diyaarisay in uu xidho No.4 oo uu hadda xidho Jones oo dhaawacyo daashadeen, lana sheegayo in aanu mustaqbal kusii lahayn kooxda.

Declan Rice ayaa isaguna heli doona No.8 oo uu bannayn doono Juan Mata oo qandaraaskiisu dhamaystay, halka Jadon Sancho loo sii qoondeeyey No.14 oo xasuusta ugu weyn ee loo hayo uu yahay Chicharito.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More