QIIMAYN: Fursadda Uu Waddan Walba U Haysto Ku Guuleysiga EURO 2020 Oo
Tartanka Euro 2020 ee ay ahayd in sannadkii hore la qabto, waxa dib loogu dhigay sababta fayraska Korona dartii, laakiin waxa xidhiidhka kubadda cagta Yuruh ee UEFA uu go’aansaday in aan laga beddelin magaciisii asalka ahaa ee Euro 2020.
Maalinta Jimcaha ee June 11 ayay bilaabmayaan ciyaaraha qaramada Yurub ee sannadkan, waxaana ka qayb-gelaya 24 waddan iyadoo la beddelay qaabkii hore loo ciyaari jiray oo ay si wada-jir ah u martigelinayaan 11 magaalo oo ku kala yaalla 11 waddan.
Liisaska kama dambaysta ah ee xulalka ayaa UEFA loo gudbiyey Salaasadii shalay, waxaana England oo ahayd waddanka hadal-haynta ugu badan ay ka taagnayd uu Gareth Southgate go’aansaday in uu ku daro Trent Alexander-Arnold oo dood badan ka taagnayd, Jordan Henderson iyo Jack Grealish, halka maalintii ugu dambaysay liiska laga saaray Aaron Ramsdale, Ben Godfrey, Ben White, James Ward-Prowse, Jesse Lingard, Mason Greenwood iyo Ollie Watkins.
9ka maalmood ee ka hadhay bilowga ciyaarahan, waxay waddamadu sii dheeli doonaan kulamo saaxiibtinimo oo tijaabo iyo isku-diyaarin ah, waxaana waddamada safka hore ku jira ee loo saadaalinayo ka mid ah France, Belgium, England, Portugal iyo Germany.
qiimayn lagu sameeyey fursadaha uu waddan walba u haysto in uu ku guuleysto tartanka Euro 2020 ayaa waxay muujisay, in xulka qaranka England uu yahay kan ugu cadcad ee sannadkan kaalinta koowaad ku jira, loona badinayo in uu ku guuleysanayo tartankan, halka Portugal uu ka galay kaalinta 7aad.
France ayaa kaalinta labaad ku jira oo qiimaynta ku guuleysiga koobka ku xiga England, waxaana saddexaad soo galay Spain oo dad badani saluugsan yihiin awooddiisa.
Akhriso qiimaynta iyo fursadda uu waddan waliba u haysto in uu ku guuleysto tartanka:
24. North Macedonia – 500/1
=21. Slovakia – 325/1
=21. Hungary – 325/1
=21. Finland – 325/1
20. Scotland – 250/1
=18. Czech Republic – 125/1
=18. Wales – 125/1
=14. Austria – 90/1
=14. Ukraine – 90/1
=14. Switzerland – 90/1
=14. Sweden – 90/1
13. Russia – 75/1
12. Poland – 66/1
11. Turkey – 60/1
10. Croatia – 30/1
9. Denmark – 25/1
8. Netherland – 12/1
7. Portugal – 10/1
=5. Germany – 8/1
=5. Italy – 8/1
4. Spain – 7/1
3. Belgium – 13/2
2. France – 5/1
1. England – 4/1