Arsene Wenger Oo Magacaabay Waddanka Ku Guuleysanaya Koobka Euro 2020
Tababarihii hore ee Arsene ee Arsene Wenger ayaa magacaabay waddanka ugu cad-cad ee ku guuleysan doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee toddobaadka dambe bilaabmi doona.
Arsene Wenger oo ka tirsan masuuliyiinta FIFA, isla markaana ciyaaraha ka falanqeeya telefishanka beIN Sports oo uu ka tirsan yahay khubaradiisa ayaa waxa uu rumaysan yahay, in laacib ciyaaraha caalamiga ahaa ka maqnaa sannado badan balse dib usoo noqday uu isbeddel ku samaynayo sidii ay markii hore ahayd awoodaha qaramada Yurub ee ku loollami doona tartankan.
Xulalka Portugal, France, England, Belgium, Germany iyo Spain ayaa ah kuwa ugu awoodda badan ee loo badinayo in uu midkood ku guuleysan doono, waxaana si gaar ah farta loogu fiiqayaa Portugal oo koobka difaacanaya, haystana ciyaartooyo badan waaweyn oo usoo baxay intii ka dambaysay tartankii hore ee ay ku guuleysteen 2018kii.
England ayaa sidoo kale haysta ciyaartooyo badan oo wanaagsan oo da’yar u badan iyo kuwo khabiirro ah, halka Belgium ay yihiin ciyaartooyo qaan-gaadh ah oo ka muuqda kooxaha ay ka tirsan yihiin.
Si kastaba, Arsene Wenger oo ka hadlayay telefishanka beIN Sports ayaa rumaysan in xulka qaranka Faransiisku uu ku guuleysan doono tartanka Euro 2020, waxaanu sababta ku sheegay soo laabashada Karim Benzema oo uu tibaaxay in uu safka tababare Didier Deschamps ka dhigayo midka ugu awoodda badan afka hore.
Benzema oo xulka dalkiisa ka maqnaa muddo shan sannadood iyo badh ah ayaa dib loogu soo celiyey, waxaana uu qayb ka ahaa kulankii saaxiibtinimo ee xalay ay 3-0 ku garaaceen Wales oo lagu soo bilaabay, isla markaana uu dhamaystay.
Wenger oo ka hadlayay waddanka ku guuleysan doona Euro 2020 ayaa yidhi: “Faransiiska ayaa noqon doona waddanka ugu cadcad tartankan, sababo badan oo badan dartood. Midda ugu weyni waa guushii Koobka Adduunka ee Ruushka lagu qabtay oo ay kalsooni ka heleen. Sidoo kale, waddamada kale celceliska da’da ciyaartoygoodu waa 28 balse Faransiiska waa da’yar. Taasi waa sababta aan u leeyahay waa dalka ugu cadcad ku guuleysiga.
“Ma haystaan dhaawacyo waaweyn oo shaki ka gelinaya tartanka, sidoo kalena waxa lagu soo daray Karim Benzema markii ugu horreysay muddo shan sannadoodah, waxaanu weerarka Faransiiska ka dhigayaa mid xooggan.
“Haddii aad qiyaasto in ay haysan karaan Mbappe, Benzema, Griezmann iyo dhamaan ciyaartoyda kale, sida Coman iyo difaacyahannada cajiibka ah iyo ciyaartoyda kaydka, waa koox aan la rumaysan karin.”
