Xiddigaha Real Madrid Ee Ku Farxay Soo Laabashada Carlo Ancelotti Oo

Carlo Ancelotti ayaa kusoo laabtay Real Madrid oo uu ka beddelay Zinedine Zidane oo toddobaadkii hore iscasilay, waxaana uu ugu yimid Santiago Bernabeu qaar ka mid ah ciyaaryahannadii uu soo maamulay waqtigiisii hore ee uu tababaraha ahaa kooxdan.

- Advertisement -

Ancelotti ayaa Real Madrid tababare u ahaa muddadii u dhaxaysay 2013 illaa 2015 oo uu u qaaday Champions League, waxaana markan horyaalla imtixaan ah in uu qabto shaqadii Zidane oo kale oo ku guuleystay 11 koob oo ay ku jiraan saddex Champions League, laba horyaal iyo koobab kale, isla markaana ah tababaraha labaad ee ugu koobabka badan taariikhda kooxdan.

Real Madrid ayaa mar horeba lala xidhiidhinayay Kylian Mbappe oo ah laacibka ugu weyn ee Florentino Perez uu doonayo in uu keeno kooxdan xagaagan, balse taasi ma haysato damaanad sababtoo ah lacagta badan ee PSG ku xidhayso iyo dhaqaale xumada ay ka cabanayso Real Madrid.

Xiddigaha uu Ancelotti hore ugu soo layliyey Real Madrid ee uu mar kale la midoobayo, waxa ka mid ah Dani Carvajal oo xilli ciyaareed dhaawacyo daashadeen soo dhamaystay, kaas oo wali ah difaaca midig ee dookha koowaad ah ee ay kooxdu haysato.

Waxa kale oo jooga Sergio Ramos iyo Raphael Varane oo soo laabashada Ancelotti ay sababi karto in ay hordhiyaan heshiisyadooda, iyadoo Ramos uu bisha June ku egyahay qandaraaskiisii hore, walina aanay kooxda isla meel dhigin heshiis cusub, halka Varane uu isagana sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa.

Khadka dhexe ayay saddexda rukun ee Casemiro, Luka Modric iyo Toni Kroos wada joogaan oo ay kusoo dhoweynayaan tababarahooda hore, laakiin kubbad-burburiyaha reer Brazil ayaa waqtigii hore ee Ancelotti waxa loo diray amaah.,

Martin Odegaard ayaa isaguna kasoo laabanaya amaah, halka Fede Valverde uu yahay rukun adag oo hadda ay kubaddiisu qaan-gaadhay, kana mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee kooxda, inkasta oo aanu boos joogto ah haysanin.

Karim Benzema oo laf-dhabarta afka hore ee kooxda ah ayaa ka mid ah ciyaaryahannada Ancelotti mar kale ku laylinayo Santiago Bernabeu, sidoo kale Gareth Bale ayaan la ogeyn waxa uu mustaqbalkiisu noqonayo.

Eden Hazard, Marco Asensio, Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ayaa iyagu ah wajiyo cusub oo kooxda uu ugu imanayo Zidane.

Wargeyska Marca ayaa warbixin uu ka qoray waxa uu ku sheegay in ciyaaryahannada waaweyn ee Real Madrid ay soo dhoweeyeen Zidane, diyaarna u yihiin in ay sida ugu heerka sarraysa ula shaqeeyaan maadaama ay markii horeba ka xumaadeen in shaqada laga eryo sannadkii 2015.

Xataa Isco ayaa uu wargeyska Marca tilmaamay in uu ka laaban karo go’aankiisa ah inuu tegayo, halka Marcelo uu ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa waqtigii uu Carlo joogay Santiago Bernabeu.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More