Kevin De Bruyne Oo Dhaawac Ku Seegaya Furitaanka Euro 2020 Iyo
Kevin de Bruyne ayaa seegi doona kulanka waddankiisa Belgium uu ku furanayo tartanka Euro 2020 ee ay ka hortegi doonaan waddanka Ruushka, kaddib dhaawacii kasoo gaadhay wajiga finalkii Champions League, markaas oo uu ka jabay sanqaroorka iyo lafta isha agteeda.
Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa xaqiijiyey, in Kevin de Bruyne aanu qayb ka noqon doonin kulanka ay RUushka la ciyaari doonaan, laakiin ay kulamada xiga u xidhi doonaan ‘weji-ilaaliye’ u qarin doona sanka iyo indhaha agtooda ee uu dhaawacu ka gaadhay, si ay uga ilaaliyaan in ay ciyaartoydu taaban karto ama kubaddu ku dhacdo.
De Bruyne ayaa uu waqtigu ku yar yahay, waxaana dhaawaciisu yimid xilli uu kaabiga soo saaran yahay tartanka muhiimka ah ee Euro 2020, taas oo hore shaki loo gelinayay in uu usoo kaban karo oo uu ciyaari doono.
Laakiin sida uu Martinez sheegay, waxa loo xidhi doonaa maaskaro u daboosha wajiga si uu dhaawac uga ilaaliyo, waa waji-dabool la mid ah kii Jan Vertonghen uu xidhnaa laba sannadood ka hor markii uu dhaawacu kasoo gaadhay kulan ay Tottenham la ciyaartay Ajax.
Xulka qaranka Belgium oo caawa ciyaar saaxiibtinimo la dheeli doona Greece ayaa waxa kale oo ka maqnaan doona Eden Hazard oo dhaawac ah, waxaase uu soo laaban doonaa kulanka xiga ee Axadda ee Croatia oo 45 daqiiqadood uu ciyaari doono.
Martinez oo ka hadlayay ciyaartoydan dhaawaca ah ayaa yidhi:”De Bruyne taam uma noqon doono kulanka u horreeya, laakiin waxa aanu go’aansanay in uu xidho waji-gabool. Waxa uu noqon doonaa midkii loo sameeyey Jan Vertonghen. Aad ayaanu ugu qanacsanahay kaas. Diyaar ayuu u noqon doonaa Euro laakiin ma hubno waqtiga. Ciyaarta ugu soo horreysa degdeg ayay ku noqon doontaa.”
Belgium ayaa ku jira Group B, waxaana ku wehelinaya Russia, Denmark iyo Finland.
