Barcelona Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaarey Tababare Ronald Koeman –
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aankii la sugayay ka gaadhay tababare Ronald Koeman oo tan iyo markii uu xilli ciyaareedku dhamaaday mustaqbalkiisa mugdi ku jiray, isla markaana u dhexeeyey in la eryo iyo in uu kusii negaado oo uu sii joogo kooxda.
Koeman ayaa xagaagii hore yimid Barcelona isagoo waqtigaas iska soo casilay tababarenimada xulka qarankiisa Holland, waxaanu shaqada ka beddelay Quique Setien, hase yeeshee hal xilli ciyaareed kaddib waxa looga yeedhay xafiiska madaxweynaha kooxda, waxaana mar kale loo ballamiyey go’aanka ugu dambeeya ee shaqadiisa oo lagu wargelinayo.
Maalinta Khamiista ayaa uu Koeman kulan xaasaasi ah la yeelan doonaa madaxweyne Joan Laporta iyo boodhka sare ee maamulka kooxda, waxaanay isla gaadhi doonaan go’aankii ugu dambeeyey.
Sida ay sheegtay idaacadda Catalunya Radio, Koeman ayaa ogolaaday in qayb ka mid ah mushaharkiisa joogtada ah loo beddelo jajab oo xilliyo kale ay kooxdu bixiso, taasina ay isbeddel ku samaysay go’aan la filayay in kooxdu ay shaqada kaga caydhiso.
Laporta ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in ay Koeman ay kula jiraan wada-hadallo tubta toosan ku taagan oo go’aankii ugu dambeeyeyna uu soo bixi doono, taas oo ay dadka qaarkood ka cadhoodeen, kuna tilmaamay in Laporta uu bahdilaad ku hayo Koeman.
Warbaahinta Spain ayaa hadda shaacisay, in Barcelona ay go’aansatay in Ronald Koeman la siiyo fursad kale oo uu xilli ciyaareedka soo socda sii ahaado tababaraha Barcelona, laakiin uu Laporta dejin doono taatikada iyo qaabka ay kooxdu u ciyaarayso, iyadoo loo sheegay in uu kooxda haweenka Barca kaga daydo sida ay u ciyaarayaan, taas oo ku dhowaan ku guuleysatay Champions League.