Erin Patterson oo Australia u dhalatay, laguna helay dilka loo adeegsaday likaha, ayaa ku guuldarraysatay isku daygeedii ay ku doonaysay in lagu buriyo xukunnadii lagu riday, iyadoo maxkamadda racfaanku taa beddelkeeda kordhisay xukunkeeda saddex dil oo ay ku tilmaantay kuwo “qabow oo si qorshaysan loo fuliyey”.
Patterson ayaa sannadkii hore lagu helay inay dishay waalidkii iyo habaryartii ninkeedii ay kala tageen, kaddib markii ay si ula kac ah ugu diyaarisay hilib lo’aad oo la yiraahdo beef Wellington, kaas oo ay ku dartay likaha sunta ah ee loo yaqaan death cap, sannadkii 2023.
- Advertisement -
Kiiskan aan caadiga ahayn, oo si degdeg ah loogu bixiyey “dilalkii likaha”, ayaa indhaha caalamka soo jiitay. Maxkamadeynteeda oo socotay 11 toddobaad ayaa dhalisay xiise ka badan inta uu dhaliyey ku dhowaad kiis kasta oo dambiyeed oo Australia ka dhacay waqtiyadii u dambeeyey.
Waxay ku doodday in saddexda xukun ee dilka ah ee lagu riday ay yihiin “caddaalad-darro”, waxayna ka codsatay Maxkamadda Racfaanka Victoria inay ama sii deyso ama amarto in dib loo maxkamadeeyo.
Likaha death cap-ka mid kasta wuxuu wataa sun ku filan inay disho qof weyn oo caafimaad qaba
“Falkan dambiyeed wuxuu ahaa mid si aan caadi ahayn u qabow oo loo qorsheeyey,” ayuu yiri garsoore Stephen McLeish xilli uu diidayey racfaanka Patterson.
“Waxaana habboon in si adag oo aan leexleexad lahayn loo cambaareeyo.”
Haweeneyda oo 52 jir ah ayaa markii hore lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo loo oggolaaday inay codsato sii-dayn sharafeed kaddib marka ay xabsiga ku qaadato 33 sano.
Laakiin isagoo tixraacaya “dambinimadeeda naxdinta leh”, Garsoore McLeish ayaa go’aamiyey inay xabsi ku sii jirto inta ay nooshahay, iyada oo aan wax rajo ah ka qabin sii-dayn sharafeed.
Xukunkii hore ‘ma uusan ka tarjumayn dambinimada qorshaysnayd ee kiiska’
Patterson shaqsi ahaan kama soo qaybgelin maxkamadeynta. Waxay dacwadda ka raacaysay muuqaal toos ah oo laga soo gudbinayey xabsi amni sare leh oo ku yaalla duleedka Melbourne.
‘Khiyaano’
Bishii Luulyo 2023, Patterson waxay afar qof ugu yeertay qado gurigeeda ku yaalla miyiga Victoria, halkaas oo ay ugu diyaarisay hilib lo’aad oo lagu duubay cajiin laguna kor saaray liko.
Martidu waxaa ka mid ahaa Don iyo Gail Patterson, oo ahaa waalidka ninkeedii ay muddada dheer kala maqnaayeen, Simon.
Habaryartii dhinaca hooyada ee Simon, Heather Wilkinson, ayaa iyaduna ka soo qayb gashay iyadoo uu la socday ninkeeda Ian, oo ahaa wadaad caan ka ah kaniisadda Baabtiisaha ee deegaanka.
Don, Gail iyo Heather waxaa ku dhacay fashil ku yimid xubnaha muhiimka ah ee jirka, waxayna dhinteen muddo toddobaad gudihiis ah. Ian si aad ah ayuu u xanuunsaday, balse wuu badbaaday.
Xeerbeegti ayaa Patterson ku heshay saddex dil iyo hal isku day dil, iyagoo go’aamiyey inay si ula kac ah cuntada ugu dartay likaha sunta ah ee death cap.
Haweeneyda oo 52 jir ah ayaa markii hore lagu xukumay xabsi daa’in, balse waxay xaq u lahayd inay codsato sii-dayn sharafeed kaddib 33 sano
Likaha death cap-ka si fudud ayaa loogu khaldi karaa noocyada la cuni karo, waxaana la sheegay inay dhadhankoodu macaan yahay, taas oo qarinaysa suntiisa aadka u daran.
Patterson waxay ku adkaysatay in cuntadu si kama’ ah ugu wasakhoowday fangaska loo arko kan ugu dilista badan dunida.
Intii lagu guda jiray dhageysi racfaan oo horaantii sannadkan dhacay, qareennadeedu waxay sheegeen in maxkamadeynta ay wiiqeen khaladaad isdaba joog ah.
Waxay tilmaameen in xeerbeegtidu degganaayeen isla hoteelkii uu deggenaa markhaati booliis ah iyo xubno ka tirsan kooxda dacwad-oogista.
Qareennada Patterson waxay ku doodeen in nidaamkaasi uu ka dhigan yahay burbur aasaasi ah oo ku yimid hannaanka sharciga “malaha mid ka mid ah maxkamadeymihii dambiyeed ee ugu caansanaa ee abid gobolkan ka dhacay”.
Waxay sidoo kale ka horyimaadeen su’aalihii is-dhaafsiga ahaa ee ay ku tilmaameen kuwo “cadaadis badan”, iyo go’aannadii oggolaaday in caddaymo gaar ah la hor keeno maxkamadda.
Si kastaba, dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in muddada 33-ka sano ah ee aan la codsan karin sii-dayn sharafeed, taas oo uu dejiyey garsoorihii hore, ay ahayd “mid si muuqata aan ku filnayn”.
Waxay dambiyada Patterson ku tilmaameen fal “khiyaano” ah, waxayna sheegeen inay ahaayeen “dambiyada ugu darnaa ee suuragalka ah” intii lagu guda jiray dhageysigii racfaanka ee horaantii sannadkan.
“Runtii, dooddayadu waxay tahay in falalkan dambiyeed awgood eedaysanaha lagu xukumo xabsi daa’in oo aan lahayn sii-dayn sharafeed,” ayuu markaas yiri Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha Brendan Kissane.
Maxkamadeynta Patterson waxay magaalada Morwell, oo ah magaalo miyi ah oo deggan laguna yaqaan ubaxyada abaalmarinnada ku guuleysta, keentay dad sameeya barnaamijyada codka, kooxo filimaan duuba iyo dad xiiseeya dambiyada dhabta ah.
Dadka daawanayey iyo kuwa dhegaysanayey ee dunida dacalladeeda ku nool waxay la socdeen horumar kasta oo kiiska ku saabsan, kaas oo dad badani hadda si fudud ugu yeeraan “dilalkii likaha”.
In kasta oo dacwaddu muujisay xiisado qoto dheer oo ka dhex jiray qoyska Patterson, sababta dilalka loo geystay weli lama oga.