XASUUQ: Roma Oo 10-0 Ku Xasuuqday Koox Kulankii Ugu Horreeyey Ee Jose

Kooxda kubadda cagta AS Roma ayaa xasuuq weyn geysatay kulankii u horreeyey ee Jose Mourinho uu tababare u noqday iyagoo gaadhay guul 10-0 ah.

Jose Mourinho oo horraantii bishan gaadhay magaalada Rome, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu tababar siinayay kooxdiisa, isagoo u diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub, waxaanay ciyaartii ugu horreysay dheeleen maanta oo Khamiis ahayd.

Kooxda Talyaaniga ayaa samaysay dhoola-tus uu xasuuq la socdo, waxaanay dhaliyeen toban gool oo jawaab la’aan ah, taas oo bixinaysa ishaaro wanaagsan iyo farxad ay taageereyaasha Roma kusoo dhoweynayaan Jose Mourinho oo ay ka doonayaan inuu dib usoo nooleeyo kooxda oo sannadihii ugu dambeeyey hoos u dhac weyn ku yimid.

Roma oo aan laga waayi jirin afarta sare ayaa waxay hoos u dhac weyni ku yimid, waxaanay xilli ciyaareedkan ka maqnaanaysaa Champions League si la mid ah sannadkii hore, balse Mourinho ayaa laga doonayaa in uu xilli ciyaareedka dambe keeno kaalmaha sare.

Kulan saaxiibtinimo oo ay galabta la ciyaareen kooxda heerka labaad ee Tuscans Montecatini Calio ayay Roma ka geysatay xasuuq, waxaanay dhalisay toban gool iyo shabaqooda oo nadiif ah oo ay garoonka ka baxeen.

Weeraryahanka reer Spain ee Borja Mayoral oo ay amaah kaga soo qaateen Real Madrid ayaa dhaliyey saddex ka mid ah goolashaas, halka uu Nicolo Zaniola ku daray rikoodhe ka hor intii aanay shan ciyaartoy oo kale min hal gool raacin, halka goolka  tobnaadna ay iska dhalisay kooxda martida ahayd.

Kulankan oo ka dhacay garoonka tababare Roma ee Fulvio Berardini, ayaa waxay taageereyaashu eegayeen qaabka uu Jose Mourinho kula bilowdo kooxda iyo haddii uu muujin karo isbeddel, waxaase uu soo bandhigay wax ka badan intii ay filayeen.

Carles Perez ayaa gool-dhalinta u furay Roma, waxaana sii raaciyey Gianluca Manini, Mayoral oo saddexlay dhaliyey, Riccardo Calafiori, Zaniola, Nicola Zalewski iyo Amadou Diawara, halka goolka tobnaadna ay iska dhaliyeen ciyaartoyda goolasha lagu asqeeyey.

Roma ayaa kulanka xiga ee saaxiibtinimo oo laga daawan doono telefishannada, waxay Axadda la ciyaari doontaa kooxda yar ee Ternana, waxaana la eegi doonaa natiijada uu ka keeno Jose Mourinho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More