Skip to content
Monday, October 26, 2026 14 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 30°C
Breaking: Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 21aad
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Love Story Af-Soomaali

Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 21aad

Follow
Newsroom published Updated 42 minutes ago 6-minute read
Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 21aad

Sadiiq inta uu tartiib u kacay isaga oo gacmaha ku tirtiraya ilintii ka qubanaysay indhihiisa, ayuu indhaha la raacay albaabkii ay Faayow iyo Akram ka baxeen. Qalbigiisu waxa uu u go’ayey sidii qof xubin muhiim ah lagala baxay, hadalkii yaraa ee Akram ku yiri “Adeer ha ooyin anigaa wiil kuu noqonayaa” waxa uu ku noqday seef laba afleey ah oo beerkiisa dhex jeexday. Waxa uu dareemay gunta hoose ee qoomamada iyo ciqaabta adduunka ugu daran, taas oo ah in ilmahaagii dhiiggaaga ahaa uu adeer kuu yaqaanno, adigana aadan awoodin inaad dhahdo anigaa ku dhalay.

Xaaji Baana oo neef qoto dheer soo saaray ayaa madaxa ruxay, waxaana wejigiisa ka muuqatay tiiraanyo aad u weyn. Isaga oo Amina eegaya ayuu cod debecsan ku yiri:

- Advertisement -

Xaaji Baana:
Amina, adeer gabadheyda ayaad tahay, wax kasta oo kugu dhacayna waxaan u ogahay sida ay u xanuun badan yihiin. Qofka la gardarreystay xaq buu u leeyahay inuu cadhoodo, laakiin adeer qalbigu haddii uu dhagax noqdo nolosha lafteeda ayaa ciriiri noqota. Wiilku maanta wuu jilicsan yahay, intii uu ku yeelayna maanta ciqaabteeda indhihiisa ayaan ku aragnaa. Ma dhihi karno maanta xal buuxa hala gaaro, laakiin albaabka oo dhan ha soo xirin adeer.

Ducaale:
Hadal waa runtiis Xaaji. Amina, aabbahaa meeshiis ayaan joognaa, adduunyadana wax walba sabir iyo xikmad ayaa lagu wajahaa. Waxaa kugu dhacay wax aan sahlaneyn, wax dumar loogu yeerana kan ugu xun baa dushaada la saaray, waana ognahay in hooyadiis ay guri-dumis ku ahayd noloshaada. Laakiin Sadiiq maanta halkaan uma imaan inuu iska kaa weynaado ama uu kibro, wuxuu u yimid inuu dambigiisa qirto oo cafis ku baryo. Qofka intaas oo dad ah horteeda ku baryaya ee ooyaya meel fog ayaa wax ka gaareen.

Amina Sahra:
Adeer Ducaale, adeer Baana, labadiinaba waxaad tihiin dadkii aan taladooda qaadan lahaa haddii ay arintu tahay mid maanta bilaabatay ama maalin ku dhammaanaysa. Laakiin xanuunka beerkayga ku jira ma ogidin. Habeenkii uu guriga iga saaray isaga oo cay iyo dacwad been ah igu shaabadeeyey, habeenkii aan waddooyinka aniga oo uur leh wareegayey, cid i daweysa ama i tiraahda biyo cab ma jirin. Hooyadiis wax walba oo xun waa igu sheegtay, isaguna ma dhihin bal gabadha aan la hadlo, wuxuu ka doortay inuu iga dhigo naag xun oo suuqa looga sheekeysto. Maanta markii uu arkay inaan noolahay, inaan sharafkeygii dib u dhisatay, in wiilkaygii uusan gaajo u dhiman, miyuu soo ordayaa oo leeyahay i cafi? Cafisku raqiis ma aha Sadiiq.

Sadiiq:
Amina, ma dhihin cafisku waa raqiis, mana dhihin maanta igu soo noqo. Wax kasta oo aad sheegtay waa dhab, dhibka aad soo martayna anigaa sababtiisa lahaa. Habeen kasta oo aad ooysay anigana cadaab ayaa ii billaabatay maalintii runta ii caddaatay. Hooyaday hadalkeedii been buu noqday, ceebtiina aniga ayay dushayda ahaatay. Laakiin Amina, Ilaah baa addoomadiisa cafiya annaguna bani’aadam uun baan nahay. Haddii aad aniga i nacday, wiilkeyga xaq ma u leeyahay inuu aabbe la’aan ku koro isaga oo aabbihiis nool yahay?

Amina Sahra:
Wiilkaagu wuxuu aabbe la’aan ku koray xilligii uu ugu baahida badnaa! Maalintii uu dhalanayey, maalintii uu xanuunsanayey, maalintii carruurta kale aabbayaashood gacanta hayeen, halkeed joogtay? Markaas ma xusuusnayn inuu wiilkaagu yahay? Hadda oo uu koray oo uu hadal bartay ayaad doonaysaa inaad ku faanto? Maya Sadiiq! Akram wax dhib ah kuma qabo nolosha uu haysto, wuxuu haystaa hooyo u noqotay aabbe iyo hooyoba. Kuuma baahna, aniguna kuuma baahni.

Muxudin:
Amina, fadlan xanaaqa wax ku maamuli mayside bal hal daqiiqo naga dhegayso. Sadiiq khalad weyn buu galay, haddii aan nahay asxaabtiisana waxaan u sheegnay inuu nacas ahaa maalintii uu shakigaas qaatay. Laakiin hadda xaalku ma aha mid dagaal lagu dhameeyo. Waa nin burbursan, oohinta indhihiisa ka qubanaysana ma aha mid been ah ama jilliin ah. Qofkii qaladkiisa gartay fursad labaad waa la siiyaa, haddii aysan xaasnimo noqonayn ugu yaraan aabbannimada ha laga wada hadlo.

Amina Sahra:
Muxudiin, walaalkey ayaad tahay laakiin arintaan meel xasaasi ah ayay iga taabatay. Aabbannimo ma aha magac kaliya oo la qaato, waa masuuliyad iyo daryeel. Ninkii shalay diiday inuu ilmahan calooshayda ku jira aqoonsado, maanta ma siin karo furaha qalbiga wiilkayga. Ha noqdo, ha aado meeshuu doono, noloshiisa ha maareeyo. Anigana halkan ayaan ku noolaanayaa aniga iyo wiilkayga. Wax dheeraad ah oo aan wada hadalno ma yaallaan.

Xaaji Baana:
Waa yahay gabadheyda, haddii aad maanta dareemayso in culaysku intaas le’eg yahay, kugu qasbi mayno go’aan aadan raalli ka ahayn. Sababtoo ah waxaan rabnaa in xalka imaan doona uu noqdo mid qalbiga ka yimid ee uusan noqon mid la isku qasbay. Sadiiq, adeer orod oo bax maanta, xaalkuna maanta ma aha mid degdeg lagu dhameyn karo. U daa waqtiga iyo Alle, inta kalena annaga ayaa dhexda u xirannayna.

Sadiiq ayaa mar kale madaxa hoos u dhigay, isaga oo daciifnimo weyn ka muuqato. Waxa uu eegay Amina oo weli indhaheeda ay ka muuqato caro iyo xanuun isku dhex jira. Waxa uu gartay in erey kasta oo uu hadda yiraahdo uu kaliya sii hurin doono dabka ka dhex shidmaaya laabta gabadha uu jeclaa ee uu gacmihiisa ku burburiyey.

Sadiiq:
Amina, waan baxayaa sidii aad i fartay. Waxba kugu qasbi maayo, ogowna inaanan marnaba kaa xumaanayn wax kasta oo aad igu tiraahdo, waayo waxaad leedahay xaq buuxa. Laakiin ogow, maalinta aad i cafiso iyo maalinta aad ii oggolaato inaan wiilkeyga aabbe u noqdo, albaabkaygu waa kuu furan yahay. Ilaah waxaan ka baryayaa inuu qalbigaaga qaboojiyo, xanuunka aan kuu geystayna kaa tirtiro. Nabadgelyo.

Sadiiq inta uu si tartiib ah u jeestay ayuu albaabka xaggiisa u dhaqaaqay. Tallaabo kasta oo uu qaadayey waxay ku ahayd culeys buur oo kale ah. Muxudiin ayaa garabka qabtay oo la baxay si uu u dejiyo una kaxeeyo.

Markii uu albaabkii dambe ka xirmay ee guriga ay ku hareen Amina, Xaaji Baana, iyo Ducaale, ayay Amina mar kaliya taagnidii ka dhacday. Waxay ku fariisatay kuraastii qolka, labadeeda gacmoodna wejiga ayay ku dabooshay, waxaana ka soo baxay oohin qoto dheer oo calool-xumo leh. Wixii ciil iyo adayg ay isku adkeynaysay intii uu Sadiiq goobta joogay ayaa mar kaliya soo butaacay sidii biyo xireen jabsaday.

Xaaji Baana ayaa agteeda yimid, inta uu gacanta madaxa ka saaray ayuu ku yiri:

Xaaji Baana:
Ooy adeer, qalbigaaga iska mayr. Waan ognahay in adayggaagu uu ahaa daaha aad ku qarinaysay boogta weyn ee ku taalla laabtaada. Laakiin ha iloobin in dulqaadku yahay midka qofka sharaftiisa dhawra. Maanta aad baad u hadashay, xanuunkaagiina waad cabbirtay, laakiin Akram dantiisa aakhiro iyo tan adduunba waa inaan si deggen uga fekerno mustaqbalka.

Ducaale:
Amina, oohintaadu waa xaq, qalbigaagana waan dareemeynaa. Waxaan ku leennahay adkeyso sidii aad horeba ugu adkeysatay. Wixii xal ah ee dambe annaga ayaa ka wada tashan doonna adiga oo aan la culeysinin.

Dhanka kale, bannaanka guriga, Sadiiq waxa uu gaariga Muxudiin ku dhex dhacay isaga oo madaxa ku haya isteerinka. Indhihiisa waxa ka qubanayey ilmo aan joogsi lahayn. Hadalkii Akram ayaa madaxiisa ka dhex guuxayey oo ku soo noqnoqonayey: “Adeer ha ooyin, anigaa wiil kuu noqonayaa.”

Muxudin:
Sadiiq, is deji sxb. Maanta ma ahayn maalin dhammaad ah, waxay ahayd billowgii waddada dheer ee dib-u-heshiisiinta. Ugu yaraan waad aragtay wiilkaagii, Aminana waxay ogaatay inaad run ka tahay cafiska aad doonayso. Haddii ay maanta kugu qaylisay, waxay ka turjumaysaa in wax kasta ay weli nool yihiin oo aysan ku ilaawin. Qofka aan waxba kuu haynin wuu ku dhayalsadaa ee kuguma caroodo.

Sadiiq:
Muxudiin, sideen u noolaan karaa? Sideen u seexan karaa aniga oo og in wiilkaygii uu iigu yeeray adeer? Waxaan dhisay cadaabtayda, Muxudiinow, mana garanayo sida aan uga bixi karo.

Muxudiin gaariga ayuu kiciyey isaga oo saaxiibkiis u kaxeeyey xagga gurigiisa, laakiin Sadiiq maskaxdiisu waxay gebi ahaanba ku dhex hartay gurigii Amina iyo qosolkii carruurnimo ee Akram.

Waa Sheekadii: kurbo aduun iyo kadeed caashaq — kala soco Jimco walba axadletimes.com. Waxaa qoray qoraaga Haalkoos.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes