Waa Kuwan Afarta Ciyaartoy Ee Arsenal Xilli Ciyaareedka Dambe Ka Dhigi

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa shaaca ka qaaday afar xiddig oo uu filayo inay Arsenal ka caawin doonaan xilli ciyaareedka soo socda inay horumar lama filaan ah samayso.

Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa xilli ciyaareedkii hore booska 8-aad kaga dhammaysatay kala sarreynta Premier League iyagoo xataa usoo bixi waayay European Confrence League oo ah tartan cusub isla markaana seegaya guud ahaan tartamada Yurub.

Arsenal ayaa ilaa haatan dhawr saxeex samaysay iyadoo la wareegtay Albert Sambi Lokonga iyo Nuno Tavares, sidoo kale waxa ay qarka u saaran tahay saxeexa Ben White oo ay heshiis 50 Milyan oo pound ah kaga keenayso Brighton.

Laakiin Murphy ciyaartoyda uu filayo inay Gunners kala duwanaanshaha u sameeyaan xilli ciyaareedka dambe ayaa ah kuwo haatanba kooxda ka tirsan.

Xiddigahaas ayaa kala ah labada da’yar ee Emile Smith Rowe iyo Bukayo Saka, bur-buriyaha kooxda ee Thomas Partey iyo waliba kabtan Pierre Emerick Aubameyang.

Murphy oo ka hadlayay talkSPORT ayaa yidhi “Waxaan qabaa dareen mana garanayo meesha uu ka yimid, waxaan filayaa iyagoo tartan Yurub ah ciyaarayn sidoo kalena ay u muuqato inay suuqa galayaan, waxaan filayaa Arsenal inay waxyar inaga yaabsan doonto”

“Walow ay bilaw adag helayaan, waxaan filayaa qaar kamida xiddigahooda da’yarta ah, Emile Smith Rowe iyo Bukayo Saka tusaale ahaan waa kuwo cajiib ah”

“Haddii uu Partey taam ahaado waxaynu aragnay waxyar oo kamida awoodiisa, wuxuu noqon karaa Aubameyang, waxa uu kaliya soo qaatay xilli ciyaareed xun”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More