Waa Kuma Xiddiga Mustaqbalka Fiican Ku Leh Barcelona Balse Keydka Lagu

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ah mid nadiifinaya qaskii dhaqaale xumo ee uu kooxda kaga tagay shaqsigii ka horreeyay ee Josep Maria Bartomeu halka uu sidoo kale wado heshiis cusub oo uu ka saxeexo Lionel Messi balse dhibaatooyinka kooxda ayaa intaas ku ekayn.

Taas ayaa ka dhigan inay jirto halis cusub oo dhab ah oo ay kooxdu ku waayi karto mid kamida xiddigaha ugu hibada badan ee kuliyada La Masia kasoo najaxay.

Wakhtigani waa wakhtigii ay ahayd in Barca ay casharada wax ka baran lahayd ee ay xiddigaha uga soo baxaya akademigeeda La Masia muhiimad gaar ah siin lahayd si ay uga badbaado lacag xiddigo cusub kaga baxda balse Ilaix Moriba ayaa mustaqbalkiisa si kale u arka.

18 sano jirkaas oo si joogto ah loola bar-bardhigo xiddiga Man United ee Paul Pogba ayuu heshiiskiisa Barca yahay mid hal sano ka hadhay kooxduna wali heshiis kordhin rasmi ah lamay gaadhin.

Wakiilada Moriba ayaa ah kuwo kooxda ka dalbaday mushahar badan in la siiyo da’yarkooda haddiiba ay heshiis kordhin samaynayaan waxayna taasi qasabtay in aanu 18 sano jirkaasi wax fursad ah ka heli ciyaaraha isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee kooxda koowaad iyo Barca B labadaba.

Waxa jira warar Moriba la xidhiidhinaya kooxaha Premier League ee Manchester City iyo Chelsea iyo xataa kooxda uu xifaaltanka ba’ani kala dhaxeeyo Barcelona ee Real Madrid.

Barca ayaa aaminsan in Real ay si aayar-aayar ah iskugu dayayso saxeexa Ilaix, dhammaadkii bishii May ayay ahayd markii lagu sawiray taageeraha weyn ee Madrid ee Tomas Roncero oo ugu baaqay inuu Real Madrid kusoo biiro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More