Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Paolo Maldini Oo Magacaabay SADDEXDII Ciyaartoy Ee Uu Ugu

Halyeygii difaaca AC Milan iyo xulka qaranka Talyaaniga ee Paulo Maldini ayaa shaaciyey magacyada ciyaaryahannadii uu ugu necbaa waqtigii uu ciyaartoyga ahaa, waxaanay yihiin xiddigo waaweyn oo joojintooda iyo xakamayntooduba ay aad ugu adkaatay.Maldini oo ay da’diisu tahay 52 jir, waxa uu ku jiraa difaacyahannada ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta, waxaanu cimriqiiga ku dhamaystay AC Milan oo bilow illaa dhamaad uu soo dhex-taagnaa.Muddadii dheerayd ee uu ciyaartoyga ahaa, waxay iska hor yimaaddeen ciyaaryahanno badan oo…

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Sadio Mane Oo Uu Ku Dhacay

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa la geliyey karantiil markii laga helay xanuunka Korona Fayras sida ay kooxdiisu shaacisay xalay, waxaanu noqday ciyaartoygii labaad ee Reds ka tirsan ee uu Korona Fayras ku dhaco.Thiago Alcantara ayaa toddobaadkii hore uu xanuunkani ku dhacay, waxaanu seegay labadii kulan ee Arsenal ee Premier League iyo Carabao Cup, laakiin waxa haddana war xun usoo yeedhay tababare Jurgen Klopp oo lagu wargeliyey in Sadio Mane uu isagana ku dhacay xanuunkani.Sadio Mane iyo Thiago ayaa labaduba maraya…

Hordhac: Leeds United vs. Man City

Leeds United oo wadata maskaxdeeda tababare Marcelo Bielsa ayaa sugaysa in Elland Road ay ugu timaaddo Manchester City oo kulankeedii ugu dambeeyey guul-darro weyn oo 5-2 ah ay usoo xambaarisay Leicester City oo waliba marti u ahayd.City oo dhawr saxeex samaysay intii uu suuqa iibku furnaa, ayaa labadii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, waxay guuleysatay hal mar oo kaliya, ciyaarta labaadna waa midda fadeexaddu kasoo gaadhay ee Leicester ku burburisay, taas oo ka dhigan in kaliya saddex…

Xiddigii Labaad Ee Weyn Ee Liverpool Oo Laga Helay Cudurka

Sadio Mane ayaa laga helay cudurka Korona Fayras, wuxuuna seegi doonaa kulanka Premier League ee ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Aston Villa. Xiddiga reer Senegal oo 28 sanno jir ah ayaa noqday xiddigii labaad ee Liverpool ee uu ku dhaco Koorna Fayras iyadoo uu sidoo kale ku dhacay saxiixa cusub Thiago Alcantara. Labada xiddig ayaa seegi doona kulanka Premier League ee Aston Villa ee Axada iyadoo Thiago uu seegay kulankii Carabao Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Arsenal Khamiistii. Liverpool ayaa xaqiijisay in…

Solskjaer Oo Ka Jawaabay Eedaymo Uga Yimid Gary Neville, Roy

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si weyn u difaacay siyaasadda suuqa ee kooxdiisa Manchester United oo maamulka kooxda lagu canaananayo sida ay uga gaabinayaan inay ciyaartooyo lasoo wareegaan.Halyeeyadii hore ee Manchester United ee Gary Neville, Roy Keane, Patrice Evra iyo kuwo kale ayaa ku eedeeyey Red Devils inay ku fashilan tahay suuqa oo awoodda ciyaartoyda ay haystaanna aanay gaadhsiisnayn heer ay kula tartami karayaan horyaalka naadiyada Liverpoo, Man City iyo kooxaha kale ee sameeyey saxeexyada ay isku xoojiyeen.Donny van…

Erling Haaland Oo Magacaabay SIDDEEDDA Weeraryahan Ee Dunida

Gool-dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Norway ee Erling Haaland ayaa magacaabay siddeedda weeraryahan ee dunida ugu wanaagsan waqti xaadirkan oo uu isaguna ku jiro.Laacibkan mucjisada ah ee dunida kaga yaabsaday goolasha tirada badan ee xili ciyaareedkii hore uu sida fudud u dhalinayay, ayaa waxa uu kusoo baxay kooxda Red Bull Salzburg oo uu wareeggii group-yada ee Champions League goolal tiro badan usoo dhaliyey.Borussia Dortmund ayaa bishii January ee sannadkii hore waxay saxeexa Erling Haaland ku…

Roma Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Ay La Gaadhay

Kooxda kubadda cagta Roma ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa weeraryahanka Real Madrid ee Borja Mayoral oo ay heshiis laba sannadood oo amaah ah ku qaateen iyadoo sannadkiiba bixin doonta lacag dhan 2 milyan oo Euro.Real Madrid ayaa weeraryahankeedan heshiis cusub ka saxeexdan ka hor intii aanay amaahda ku dirin, waxaana qandaraaskiisii hore oo ku ekaa June 2021 uu ku daray laba sannadood oo kale, taas oo ka dhigan inuu Los Blancos ciyaartoygeeda kasii mid ahaan doono illaa June 2023 oo laba ka mid ah uu Roma amaah ugu…

Arsene Wenger Oo Daboolka Ka Qaaday Dalab Uu Ka Helay

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaciyey inuu dalab ka helay kooxda Manchester United oo doonaysay inuu u noqdo tababare, laakiin waxa uu diiday inuu waqtiga sheego.Arsene Wenger muddo 22 sannadood ah tababare usoo ahaa Arsenal ayaa sannadkii 2018kii ka tegay, waxaana uu illaa waqtigaas ahaa shaqo la’aan iyadoo lala xidhiidhiyey kooxo badan oo kuwa ugu waaweyn qaaradda Yurub ah.70 jirkan ayay si weyn garoomada ugu soo xafiiltameen ruug-caddaagii Man United ee Sir Alex Ferguson waqtiyadii ay kala…

Premier League Oo Shaaciyey Siddeed Ciyaartoy Oo Ku

Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka mid noqday xiddigaha ku tartamaya abaal-marinta xiddiggii ugu wanaagsanaa bishii September horyaalka Premier League, sidaas oo kalena saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah, gool-dhaliyaha Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, garabka weerarka Man City ee Riyad Mahrez iyo shan ciyaartoy oo kale ayaa iyaguna ku tartamamaya abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bishii hore.Mane ayaa muujiyey bandhig indhaha soo jiitay bishii hore, waxaanu dhibaato usoo geystay…

Miyuu Frank Lampard Cuqad U Qaaday Xiddigii Ay Hadallada

Chelsea ayaa suuqa iibka ciyaartoyda xubin firfircoon kasii ahaan doonta illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee uu xidhmayo maalinta Isniinta, waxaana la filayaa in kaliya uu furnaado albaabka ay ciyaartoydu ka baxayaan balse uu xidhnaan doono midka laga soo gelayo oo xilli hore ay soo dhamaysteen ciyaartoydii ay u baahnaayeen.Tababare Frank Lampard oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta ay Crystal Palace ku martigelin doonaan duhurka berri oo Sabti ah ayaa waxa uu sheegay in hubanti la’aan safkiisa ah ay jirto oo ay suurtogal…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More