Jamaahiirta Chelsea Oo Dalbaday In Shaqada Laga Caydhiyo

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalbaday in shaqada laga caydhiyo tababarahooda Frank Lampard ka hor inta aanay kooxaha waaweyni ka fogaanin ee aanay rajo la’aan ka noqonin horyaalka xili ciyaareedkan.

Chelsea ayaa barbarro xilli dambe ay u dagaallantay la gashay West Brom, waxaana uga horreysay guul-darro weyn oo ay Liverpool ugu xambaarisay garoonkooda Stamford Bridge, waxaanay labadan natiijo jamaahiirta ilowsiiyeen guushii weynayd ee ay kooxdoodu ku furatay horyaalka kulankii koowaad oo ay garaacday Brighton.

Blues ayaa xagaagan suuqa gelisay lacag ka badan 250 milyan oo Gini oo ay ciyaartooyo cusub kula soo wareegtay, waxaana la saadaalinayay in marka ay si fiican iskula jaan qaaddo inay horyaalka Premier League kula tartami doonaan Liverpool iyo Manchester City oo safka  hore kaga jira naadiyada loo saadaalinayo inay hanan doonaan horyaalka.

Timo Werner, Kai Havertz, Ben Chilwell, Edouard Mendy, Hakim Ziyech, Thiago Silva, iyo Malang Sarr ayay Chelsea lasoo saxeexatay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoydu, laakiin labada dambe ayaanay wax lacag ah kasoo bixin oo si bilaash ah ugu yimid.

Thiago Silva ayaa ku ceeboobay kulankan oo sameeyey qalad keenay in laga dhaliyo goolka labaad ee kooxdiisa, halka Ben Chilwell, Hakim Ziyech iyo Edouard Mendy aanay diyaar u ahayn inay saftaan ciyaartan.

Natiijada kulankan ayaa waxay keentay in jamaahiirta Chelsea ay durba muujiyaan niyad jab iyo kalsooni darro ay ka qabaan Frank Lampard oo qaab xun ku bilowday horyaalka.

“Lampard should leave today!” ?

“Why isn’t Ruidger playing?!” ?‍♂️

Prince the #CFC fan called us to say Frank Lampard should be sacked immediately.

What do you make of this? ? pic.twitter.com/kRXhi3WBMA

— talkSPORT (@talkSPORT) September 27, 2020

Warbaahinta talkSPORT ayaa barnaamij gaar ah waxay Axaddii maanta u samaysay jamaahiirta Chelsea, kaas oo lagu ogaanayay dareenkooda tababare Lampard iyo haddii ay kalsooni ku qabaan.

Inta badan taageereyaasha ayaa dalbaday in shaqada uu ka tago Lampard, lana keeno kooxda tababare kale oo isku habayn kara, kana faa’iidayn kara saxeexyada badan ee yimid Stamford Bridge, kooxdana la tartansiin kara naadiyada waaweyn ee kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More