Lionel Messi Oo Sannado Kale Sii Joogi Doona Barcelona

Lionel Messi waxa uu sii joogi doonaa Barcelona isaga oo go’aankiisa beddeli doona, haddii ay kooxdiisu awood u yeelato inay ku guuleysato koobab xili ciyaareedkan. Sidaa waxa sheegay Sergi Roberto.

Xiddiga reer Argentina oo doonayay inuu ka tago Barcelona xagaagan ayaa khilaaf kaddib go’aansaday inuu dhamaysto sannadka uga hadhay heshiiskiisa Camp Nou, kaddibna uu xagaaga dambe hadal la’aan ku baxo, waxaana arrintaas ogsoon cid kasta oo kooxda ah oo aan awood u yeelan doonin inay hor joogsato.

Barcelona ayay dhibaato weyn ku noqon doontaa inay weydo Lionel Messi oo waliba si bilaash ah ku bixi doona iyagoon wax lacag ah ka helin.

Toddobaadkan horraantiisii ayuu Messi mar kale weerar ku qaaday Barcelona markii uu Luis Suarez sii macasalaamaynayay, waxaanu sheegay inay si xun ula dhaqmeen oo ay laag kaga saareen Camp Nou, laakiin dadka uu hadda ku arkayo kooxdu ay yihiin kuwo wax kasta oo ka yimaadda aanu isagu la yaabi doonin.

Xidhiidhka ka dhexeeya Messi iyo madaxda kooxda ayaa halkii ugu hoosaysay gaadhay, wax rajo ahna lagama qabo in Bartomeu iyo Lionel Messi ay isku soo dhowaan sababtoo ah waxay taagan yihiin laba meelood oo aad u kala fog.

Laakiin Sergi Roberto oo waraysi siinayay Diario Sport ayaa yidhi: “Waxba kama ogi codsiga Messi ee tegitaanka, markii uu soo baxay warkuna maan rumaysanin in Messi aanu doonayn inuu sii joogo halkan.

“Waxaan jeclaan lahaa in aanay xaaladdu sidan noqonin, sababtoo ah marka uu Messi nala joogo waanu xoogganahay, waxaana war wanaagsan ah warka ah inuu nala joogayo xili ciyaareedkan. Waxa kale oo aan ogahay inuu sheegay inuu sii joogi doono xili ciyaareedka dambe laakiin waa haddii aanu ku guuleysano koobab, taas oo laga yaabo inay beddesho maskaxdiisa.

“Ciyaartoyga iyo kooxduba waxay doonayaan waxa dantoodu ku jirto, markaa waxa muhiim ah in la gaadho tanaasul iyo xal uu qof walba ku farxi karo, laakiin maaha wax fudud.

“Messi waxa  uu halkan joogay 20 sannadood oo uu wax kasta usoo huray naadiga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More