Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester City vs Leicester –
Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku qaabilaysa Leciester City, waxaana uu tababare Pep Guardiola la shir yimid shax ay ka maqan yihiin weeraryahannadii tooska ahaa, kaddib dhaawacyadii soo gaadhay Gabriel Jesus iyo Sergio Aguero oo beryahanba aan garoomada lagu arag.
- Advertisement -
City oo kulankii hore 3-0 kusoo garaacday Wolves oo ay u tagtay, ayaa doonaysa in guushii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan cusub ay garoonkeeda Etihad Stadium ku gaadho, taas oo haddii ay hesho siin doonta lix dhibcood oo ay laba ciyaarood ka heshay.
Laakiin Brenden Rodgers ayaa kala hor yimid shax xooggan oo uu hoggaaminayo weeraryahanka reer England ee Jamie Vardy, kahdka dhexena ay ka taageerayaan laacibiin uu usbuucii tegay oo dhan kusii tababarayay sidii ay ugu babac dhigi lahaayeen xiddigaha City.
Guardiola ayaa shaxdiisa kusoo bilaabay Raheem Sterling, Mahrez iyo Phil Foden oo afka hore wadaagaya, waxaana khadka dhexe ka taageeraya Kevin de Bruyne, Fernandinho iyo Rodri.
Difaaca cusub ee ay dhowaanta lasoo saxeexdeen ee Ake ayaa kusoo garab bilowday Eric Garcia, halka dhinacyada difaacana ay taagan yihiin Walker iyo Mendy.
Saxeexa cusub ee garabka ee Ferran Torres ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah kaydka ku jira, waxaanay wada fadhiyaan Laporte iyo Zinchenko oo ah labada ciyaartoy ee kaliya ee la garanayo ee kaydka kula jira, waxaase wehelinaya laacibiinta da’da yar ee Delap, Doyle, Palmer iyo Steffen.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood